Barcelona oo Ousmane Dembele la furtay Wada-hadal heshiis Cusub ah

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dajisay qorshe ay ku kordhineyso heshiiska xiddiga garabka uga ciyaara ee Ousmane Dembele kaas oo lagu daray 2 sano.

Xiddiga reer France oo dhaawac ku seegay bilowga xilli ciyaareedka cusub ayaa u arka heshiiskiisa haatan ee Camp Nou inuu dhacayo xagaaga, taasoo u saamaxeysa inuu kala hadlo heshiis hordhac ah kooxaha kale bisha Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer Catalan ayaa la sheegay inay dooneyso inay weeraryahanka ku sii haysato kooxda oo ay u aragto inuu qeyb weyn ka yahay qorshayaashooda, iyadoo la sheegay in madaxweynaha kooxda Joan Laporta uu durba wadahadal la yeeshay wakiilka 24 jirka.

Sida laga soo xigtay Sport , Blaugrana ayaa qorshaynaysa laba sano oo dheeraad ah iyada oo la dhimi doono mushaharkii hore, marka loo eego dhibaatooyinka dhaqaale ee kooxda, halka ay sidoo kale soo bandhigtay beddelka heshiis saddex sano ah oo ku saabsan mushahar dhimis dheeraad ah.

Isagoo durbadiiba soo jiitay xiisaha kooxaha waaweyn ee Manchester United , oo laga yaabo inuu u dhaqaaqo dabayaaqada sannadka, Dembele ayaan weli mustaqbalkiisa u hibeyn Barcelona.

Tan iyo markii uu £ 120m uga soo dhaqaaqay Borussia Dortmund sanadkii 2017, xiddiga reer France ayaa 118 kulan u saftay Blaugrana, isagoo dhaliyay 30 gool isla markaana caawiyay 21 kale, halka uu ku daray labo horyaal oo La Liga ah iyo labo koob oo Copa del Rey ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com