Barcelona Oo Guuldarro Waji Gabax Leh Kala Kulantay Granada Iyo Tababare Valverde Oo Halis Ugu Jira In La Ceyriyo

Barcelona ayaa waxaa soo gaartay guuldaradii labaad ee xilli ciyaareedka kaliya shan kulan oo la ciyaaray ka dib markii ay guuldarro 2-0 kala kulmeen kooxda xilli ciyaareedkan u soo dalacday horyaalka ee Granada.

Guusha ay gaartay Granada ayaa waxay ka saaciday inay hogaanka u qabtaan horyaalka La Liga iyagoo ku hogaaminaya 10 dhibcood iyo faqri goolal, waxayna caawa garaaceen kooxda difaacaneysa horyaalka.

Tababare Ernesto Valverde ayaa isbedelo waa weyn ku sameeyay shaxdiisa taasoo ka careysiisay taageerayaasha Barcelona, isagoo kursiga keydka ku bilaabay mar kale Lionel Messi oo dhaawac ka soo laabtay kulankii Borussia Dortmund, waxa uu sidoo kale keyd geliyay Sergio Busquets, Ansu Fati iyo Arthur isagoo ku soo bilaabay Rakitic, Sergi Roberto Carles Perez.

Junior Firpo ayaa isna booska daafaca bidix lagu soo bilaabay markii ugu horeysay madaama uu dhaawac ku maqan yahay Jordi Alba.

Cabsidii ay qabeen taageerayaasha kooxda Catalans ayaa rumowday daqiiqadii 2aad ee ciyaarta iyadoo Junior Firpo uu qalad weyn sameeyay markii uu kubada dhiibtay ka dibna uu sibxaday taasoo u ogolaatay Puertas inuu karoos soo dhigay iyadoo Azeez uu madax ku dhaliyay, waxaana sidaas hogaanka ku qabatay Granada.

Goolka ay hogaanka ku qabatay Granada ayaa la micno ah in Barcelona ay shabaqa ilaashan weysay shantii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka La Liga, markii ugu danbeysay ee ay sidaan ku dhacdo waa 2008/09.

Barcelona ayaa qaab ciyaareed aad u liita soo bandhigtay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay Granada oo 1-0 ku hogaamineysa kooxda Blaugrana.

Bilowgii qeybta labaad tababare Valverde ayaa bedel ku soo geliyay Lionel Messi iyo Ansu Fati kuwaasoo kala bedelay Carles Perez iyo Junior Firpo. Isla bilowgii qeybta labaad goolhaye Ter Stegen ayaa qalad aan looga baran sameeyay laakiin waxa uu isku badbaadiyay inuu kubada xariiqda goosha ku qabtay.

Barcelona ayaa sidoo kale bedel ku keentay Arturo Vidal oo bedelay Ivan Rakitic ciyaarta oo 30 daqiiqo ay ka harsan tahay, laakiin daqiiqado ka dib Vidal ayaa rigoore keenay markii uu kubad gacanta ku taabtay, garsooraha ayaa eegay VAR waxaana uu go’aansaday inuu gool ku laad dhigo.

Alvaro Vadillo ayaa u soo istaagay rigoorada kaasoo shabaqa dhex dhigay, iyadoo Granda ay heshay hogaan labo gool ah.

Messi iyo Ansu Fati ayaa ciyaarta Barcelona wax ka bedelay qeybtii labaad ee ciyaarta laakiin waa ay ku filanaan weysay inay guuldarro ka badbaadiyaan kooxda Blaugrana oo kulankii labaad ee shan kulan oo la ciyaaray laga badiyay.

Granada ayaa guushaan ay ka saaciday inay hogaanka u qabato horyaalka La Liga, halka Barcelona ay ka dhacday kaalinta 7aad iyagoo leh 7 dhibcood shan kulan oo ay ciyaareen.

Su’aalo badan ayaa la iska weydiin doonaa taatikada tababare Ernesto Valverde iyo haddii uu ku saxnaa inuu kursiga keydka dhigo xiddigahiisa muhimka ah sida Lionel Messi. Waxaa sidoo kale su’aalo la iska weydiinaa doonaa awooda difaacasho ee Barcelona kuwaasoo aad u liita xilli ciyaareedkan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here