Barcelona Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Villarreal Xilli Uu Lionel Messi Ka Dhaawacmay

Kooxda Barcelona ayaa si dirqi ah ugu soo laabatay wadada guulaha kuan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa todobaadkii 6-aad ee horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa doonaysay in ay la heshiiso taageerayaasheeda kadib guuldaradii Sabtdii waxana uu Tababare Valverde kulanka ku soo galay shax is badal leh laakiin uu ku bilowday kabtankooda Lionel Messi.

Kooxda Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 6-aadba kooxda Barcelona ayaa dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Antoine Griezmann kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Barcelona ku hogaaminayso.

Barcelona ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii raadiyeen goolasha iyo waliba in ay ciyaarta si deg-deg ah u dilaan si ayna kooxda Villarreal ugu soo laaban ciyaarta.

Daqiiqadii 15-aad ayay Barcelona dheeraystay Natiijada ciyaarta iyaga oo uu gool gantaal ah oo qurux badan u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Arthur kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay 2/0.

Kooxda Barcelona ayaa samaysay fursado fiican oo ay goolal ka dhalin karto laakiin Barcelona ayaan ka faa,iidaysan wax gool ahna ka dhalin.

Barcelona ayay dhirbaaxo la kulantay daqiqiadii 28-aad iyada oo uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay kabtankooda Lionel Messi kaas oo daawayn qaatay kadib sii watay ciyaarta.

Daqiiqadii 44-aad ayay Villarreal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu xiddiga Khadka dhexe ee Santi Cazorla dhaliyay gool qurux badan oo cajiib ah isaga oo ciyaarta ka dhigay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu Lionel Messi raacay dibna uuna ugu soo laaban ciyaarta iyada oo lagu badalay xiddiga Ousmane Dembele.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Barcelona heshay fursado aad u badan laakiin ayna wax gool ah ka dhalin halka ay Villarreal lafteedu heshay dhawr fursadood oo halis ah ah.

Waxana ugu dambayn sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guul dirqi ah ugu soo laabatay wadada guulaha taas oo cadaadiska ka qaaday tababare Enrnesto Valverde.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here