Barcelona oo guul 3-0 ka gaartay Levante, Ansu Fati oo Shabaqa soo taabtay

Kooxda Barcelona ayaa Caawa ku ceel baxday Kooxda Levante kadib kubadeeda liidatay ay ku bilaabatay Horyaalka iyadoo 3-0 ku badisay.

Saddex gool oo ay u kala dhaliyeen xiddigaha reer Netherlands ee Memphis Depay iyo Luuk de Jong iyo mid uu ku daray Ansu Fati oo dhaawac kasoo laabtay ayaa Barcelona ku hoggaamiyey guul ay aad ugu baahnaayeen xilli ay ku jireen waqti adag oo shaki la gelinayay mustaqbalka tababarahooda Ronald Koeman.

Memphis Depay ayaa Goolka hore u daah furay Daqiiqadii 6aad kaasi oo ahaa Rigoore kadib qalad lagu sameeyay, Luuk de Jong ayaa ku daray goolka Labaad ciyaarta oo socota 14 Daqiiqo Halka uu goolasha soo xiray Ansu Fati oo badal uu ku soo galay ku dhaliyay goolkiisa.

Natiijada ciyaartan ayay Barcelona kusoo gashay kaalinta shanaad ee horyaalka Spain ee LaLiga iyagoo yeeshay 12 dhibcood isla markaana ay hal ciyaar ahi baaqi u tahay.

Maxaa xiga

Kulanka Champions League ee Benfica ayaa ah shaqada xigta ee Barca, halka Levante ay u safri doonto Mallorca usbuuca dambe.

Shaxda lagu soo bilaabay ciyaarta

Arsenal XI: Aubameyang, Xhaka, Partey, Tierney, Martin Odegaard, Tomiyasu, Gabriel, Ramsdale, B. White, Smith Rowe, Saka

Subs: Lacazette, Leno, Cedric, Pepe, Maitland-Niles, Holding, A. Lokonga, Martinelli, Nuno Tavares

Tottenham XI: Lloris, Son, Lucas, Kane, Hojbjerg, Alli, Dier, Sanchez, Ndombele, Reguilon, Tanganga

Subs: Ben Davies, Gollini, Lo Celso, J. Rodon, Romero, Skipp, Aparecido, Gil, D. Scarlett

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com