Barcelona Oo Camp Nou Lagu Jiid-jiiday, Tababare Setien Oo Fashil Noqday & Barca Oo Murugooneysa Xilli Madrid Laga Dabaaldegayo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Barcelona ayaa guul-darro xanuun badan loogu xambaariyey garoonkeeda Camp Nou, waxaana 2-1 ku garaacday kooxda yar ee Osasuna oo muddo dheer markii ugu horreysay saddexda dhibcood ku xoogsatay.

Barcelona ayaa lagala hormaray gool, waxaase gool barbarro ah u keenay Lionel Messi, ka hor intii aan waqtigii dhimashada goolka qalbi jabka ah ee guul-darrada u horseeday laga dhalinin.

Tababare Quique Setien iyo Xiddigihiisa ayaa qaab xun kaga baxay garoonka iyagoo ogaa in Real Madrid ay ku guuleysatay horyaalka oo ay toddoba dhibcood kaga qaaday xilli ay hal ciyaar ahi hadhsan tahay.

Advertisements

Shaxdii labada kooxood

OSASUNA (5-3-2): Sergio Herrera; Nacho Vidal, Aridane Hernandez, Raul Navas, David Garcia, Pervis Estupinan; Darko Brasanac, Jon Moncayola, Inigo Perez; Jose Arnaiz, Adrian Lopez.

Kaydka: Oier Sanjurjo, Roberto Torres, Enric Gallego, Facundo Roncaglia, Ruben Martinez, Toni Lato, Kike Barja, Juan Perez, Javi Martinez, Aimar Oroz, Jose Javier Hualde Zaratiegui.

BARCELONA (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Nelson Semedo, Gerard Pique, Clement Lenglet, Junior Firpo; Riqui Puig, Ivan Rakitic, Sergi Roberto; Lionel Messi, Martin Braithwaite, Ansu Fati.

Kaydka: Sergio Busquets, Arthur, Luis Suarez, Neto, Jordi Alba, Frenkie de Jong, Arturo Vidal, Ronald Araujo.

Tababare Quique Setien ayaa si lama filaan ah kaydka u dhigay ciyaartoydiisa rukumada adag ah ee ay ka midka yihiin Alba, Vidal, De Jong, Busquets iyo Luis Suarez, waxaanay u muuqatay inuu dhayalsaday awoodda ciyaareed ee Osasuna.

Barcelona ayaa laag xor ah heshay bilowgii ciyaarta, waxaana qaatay Lionel Messi oo ku xerada ganaaxa kusoo dhex-tuuray, halkaas oo ay Pique iyo kubaddu ku kulmeen, hase yeeshee goolka ayay bannaanka ka martay.

Ter Stegen ayaa badbaadiyey kubbad xerada ganaaxa dhexdeeda loogula yimid oo uu waqti ku filan u waayey Arnaiz, hase yeeshee goolhayaha reer Germany ayaa waqtiga kusoo yareeyey, kubaddana lugtiisa midig u isticmaalay.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Barcelona 0-1 Osasuna – ARNAIZ ayaa daqiiqaddii 15aad kooxda martida ah hoggaanka u dhiibay, isla markaana gool u beddelay kubbed dhinaca bidix uu uga keenay Estupinan, waxaanu laag awood badan ku daba-mariyey goolhaye Ter Stegen oo isagoon isasoo tuurin ay kubaddu shabaqa ka hor taabatay.

Daqiiqado kooban kaddib ayay Osasuna iku dhowaatay inay 2-0 ka dhigto ciyaarta, waxaana mar kale xerada ganaaxa Barcelona isku helay Moncayola iyo Arnaiz, laakiin kubadda ayaa xoogaa sare uga kacday. Alla maxay naxeen Barcelona.

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa fursaddii ugu horreysay ee kooxdiisa ee goolka ugu dhowayd, waxaana kubbad uu kasoo tuuray dhinaca midig oo uu goolka ku bartilmaameedsaday ay iyadoo xawaare ku socota ay ku dhacday xagga sare ee birta, kaddibna sii baxday.

Messi ayaa mar kale ku qabsay goolhaye Sergio Herrera inuu sameeyo badbaadin, kaddib markii uu xiddiga reer Argentine loollan kaga soo guuleystay difaaca Osasuna ee Nacho Vidal, waxaana ka leexiyey Estupinan, ka hor intii aanu goolhaye Sergio Herrera ka joojin goolkiisa.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay ku hoggaaminaysay kooxda martida ah ee Osasuna oo inkasta oo kubadda lagaga fiicnaa haddana heshay fursado ay goolasha intan kaga kordhisan karaysay.

GOOOOAAALLLL!!!! MAYA MAYA MAYA!! Barcelona ayaa gool dhalisay laakiin waa laga diiday. Puig ayaa kubadda u dhiibay Messi, waxaanu laacibka reer Argentine sii hor dhigay Braithwaite oo koornaha dhinaca bidix kaga hubsaday goolka laakiin waxa isla waqtigaas taagnaa calanka iyadoo offside lagu qabtay Lionel Messi.

Ansu Fati iyo Lionel Messi ayaa laba fursadood oo aanu waqti badan u dhaxayn sameeyey, waxaanay ku dhowaadeen inay kooxdooda ka baabi’iyaan goolka lagala hormaray ee waxba la’aanta ka dhigay, laakiin Aridale iyo Herera ayaa isku kaashaday.

Quique Setein ayaa isbeddel ku sameeyey kooxdiisa, waxaanu keenay Vidal iyo Suarez iyadoo uu saaray Nelson Semedo iyo Braithwiate.

Luis Suarez ayaa isla markiiba lagu galay qalad bannaanka xerada ganaaxa, waxaana qaladka sameeyey Navas oo isku dayayey inuu joojiyo dhaliyaha Barcelona. Kubadda waxa markiiba dul istaagay Lionel Messi oo isku diyaariyey inuu laagto.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!! Barcelona 1-1 Osasuna – Lionel Messi ayaa laagga xorta ah si toos ah shabaqa ugu hubsaday, iyadoo goolhaye Herera oo ay indhihiisu shan yihiin uu ka galiyey dhinaciisa midig.

GOOOAAALLL!!!! MAYA MAYA!!! Barcelona ayaa laga diiday gool kale. Messi ayaa kubadda hordhigay Luis Suarez oo xabbadka ku qabsaday, waxaanu kubadda ka dhex-saaray gacmaha goolhaye Herrera, hase yeeshee waxa markaas taagnaa calanka iyadoo uu weeraryahanka reer Uruguay ku jiray offside.

GOOOAAALLL!!!! Roberto Torres xilligii dhimashada Osasuna u dhaliyey gool labaad, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 1-2 ay guushu ku raacday Osasuna, iyadoo ay Barcelona qalbi jab kaga baxday garoonka, isla markaana ay Real Madrid horyaalka kaga guuleysatay toddoba dhibcood.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII