Bankiga adduunka oo soo dhaweeyay dadaalada dayn cafinta Soomaaliya

Guddiyada sare ee IMF iyo baankiga  adduunka ayaa soo dhaweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee lagu hagaajinayo xariirka Soomaaliya iyo hey’adaha deymaha ku leh iyo sidoo kale cafinta daymaha, waxayna isku raaceen in qiimeynt la sameeyay ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo inta badan deymaha lagu leeyahay  oo gaaraya 5.3 billion oo doolar.

Wasiirka wasaarada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in arintani ay ku timaaday dalaalo badan oo ay bixisay wasaarada maaliyada iyo madaxda xukuumada Soomaaliya, isagoona tilmaamay in ay tahay guul soo hoyatay.

Waxaa lagu  balansan yahay gabagabada bisha March in la qabto kulan weyne looga arrinsanayo deyn cafinta Soomaaliya, kaas oo ay soo wada xaadiri doonaan madaxda dalalka iyo hay’adaha deymaha  ku leh Soomaaliya, inkasta oo aan la ogayn waxyaabaha ka soo bixi doona shirkaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here