Bandow lagu soo rogay Magaalada Dhuusamareeb

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen laamaha ammaanka ee Galmudug ayaa waxaa looga hadlay xaalada ammaan ee magaalada Dhuusamareeb iyo shirka madaxda maamul goboleedyada ee beri ka furmaya magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha ayaa isku raacay in  gaba ahaanba ay bandow tahay magaalada Dhuusamareeb laga bilaabo maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 08-07-2020, ilaa iyo inta uu socdo shirka madaxda dowlad goboleedyada.

Sidoo kale  saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in ay joojin doonaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, si looga hortago falalka amni daro, islamarkaana si weyn loo adkeeyo amniga magaalada dhuusamareeb, maadaama halkaasi lagu qabanayo shir u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada oo keliya.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidamada lagu amray in si weyn ay u adkeeyeen baraha kontorool ee laga soo galo magaalada Dhuusamareeb.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Bandow lagu soo rogay Magaalada Dhuusamareeb appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII