Banaanbax Looga Soo Horjeedo Wasiir Caadle Oo Saakay Ka Dhacay Buulo-Burte

Wararka Warkii Online ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay uu ka dhacay Banaanbax xoogan.

Boqlaal shacab ah oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa saaka isugu soo baxay bartamaha Magaalada, kuwaasi oo aad uga careysan Safar Maanta uu halkaas ku tagayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Sidoo kale dadka dhigaayay Banaanbaxa ayaa kasoo horjeestay Maamul Cusub oo dhawaan Buulo-burte u Magacaabay Wasiir Caadle, waxaana dadka ay Waddooyinka ku gubayaan taayaro waaweyn, iyagoona ku xiray biro iyo agabyo kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar kamid ah dadkii dhigaayay Banaanbaxa ay xireen Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka howlgalka AMISOM ee ku sugan Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Cali Caadle ayaa xalay Magacaabay Duqa Cusub Degmada Buulo-burte, kaasi oo laga dhigay Maxamed Sheekh Sharaawe Fiidow.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaalada deegaanka Maanta ay aad u kacsan tahay, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro Wasiirka arrimaha Gudaha Hirshabeelle.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here