Baarlamaanka Kenya oo bilaabay dhaqdhaqaaq ayku aqoonsanayaan Somaliland

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in booqasho uu ku imaan doono halkaasi ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Todobaad kahor ayaa magaalada Hargeysa waxaa booqday xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Raila Odinga, kuwaasi oo Somaliland kala hadlay arrimaha ganacsiga iyo siyaasadda.

Siyaasigaan ayaa wada olole baarlamaanka Kenya lagu horgeynaayo mooshin lagu taageerayo qaddiyada gooni isu taaga Somaliland.

Raila Odinga ayaa aaminsan in Somaliland ay mudan tahay in loo aqoonsado dal madax banana maadaama uu ku doodayo inay soo buuxisay shuruudihii looga baahnaa, ayna tahay meel doorasho dimoqraadi ah ay ka dhaceen seddax goor.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah carqaladeynta dadaalada socda ee la isugu soo dhoweynaayo Somalia iyo Somaliland, iyadoo Kenya ay faragelintaan ay wado xadgudub qaawan ku ah madaxbannaanida dalka Somalia.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Baarlamaanka Kenya oo bilaabay dhaqdhaqaaq ayku aqoonsanayaan Somaliland appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII