Axmed Madoobe Oo Sabab U Noqday In La Afduubto Wiil Dhalinyaro Ah

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa waxa uu la kulmay Siyaabo kala duwan Dad Badan Intii Xaflada Caleemo saarkiisa ka socotay Kismaayo 12-kii Bishaan.

Waxay Dhalinyarada qaar Madaxweynaha la galeen Sawirro ay Barahooda Ku faafiyeen.

Wiil ka mid ah Dhalinyaradii Axmed Madoobe La kulmay Sabtidii Isbuucii hore ayaa lasoo sheegayaa in la afduubtay,taas oo dadka maqlay ay Cabsi soo food saartay.

Qafaalka ayaa ka dhacay Kismaayo koox aan la heyb garan ayaana la sheegay in ay geysteen.

Lama yaqaano halka lala aaday Wiilkaasi dhalinyarada ah,iyadoo sidoo kale Ehelada wiilakasi ay sheegeen in taleefoon laga soo wacay ayna dalbadeen kooxda Lacag madax furasho ah.

Muddo 10 cisho ka badan ayuu wiilkaasi Kooxda Afduubtay gacantooda ku jiraa,wer wer iyo cabsi ayaana Qoyskiisa Soo food saartay.

Maamulka Jubbaland weli kama aysan hadlin Wiilkaasi la afduubtay iyadoo tani ay saameyn inay reebto laga cabsi qabo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here