Axmad Madoobe oo ka hadlay xiriika Villa Soomaalya iyo shirkii SPF

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday Magalada Kismaayo ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka,khilaafka Jubbaland ee dowladda & Shirkii Iskaashiga ee ka dhacay Magalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Doorashooyinku markii ay dhamaadeen ay Jubbaland diyaar u ahayd sidii Khilaafka kala dhexeeya Dowlada Federaalka ah wada hadal loogu dhamayn lahaa balse taas badalkeeda Xukuumada Federaalka ah ay xayiraado iyo cunaqabatayno kusoo rogtay dadka ree Jubbaland.

Isagoo ka hadlayay shirka kasocda Magaalada Muqdisho ee Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka ah u dhexeeya ayuu Madaxweynahu sheegay in hanaanka siyaasada loo dhan yahay ayna dalka ka jirin sidaas darteedna wax walba oo shirkaas kasoo baxa ayna anfacaynin dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay kahor in arimaha masiiriga ah heshiis laga gaaro sida Doorashooyinka iyo dhamaystirka dastuurka.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in hanaanka dayn cafintu uuna dhaqan gali Karin iyadoo Madaxda Villa Soomaaliya joogta ay ku tumanayaan shirciga dalka waa sida uu ahdalka u dhigay.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa horay u qaadacay Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiag ee ka qabsooman Magalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in shirkaasi aan lagal talo gelin sidoo kale ay soo bandhigeen shuruudo ay shirkaasi ku imaan karaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here