Awooddii Axmed Madoobe ee J/land oo hoos u dhacday & Khal khal ka jira Kismaayo

Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya inuu faraha ka baxay ammaanka magaalada,islamarkaana ay suurta gal tahay iney ka dhacaan falal khal khal gelin kara amniga iyo xasiloonida.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya iney hoos u dhacday awooda maamulka Axmed Madoobe iyo rajada ay shacabka ku qabeen,iyadoo la dareemayo xasilooni daro siyaasadeed iyo amni oo ka jirta deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku maqan dalka Kenya halkaasi oo uu kulamo kula leeyihiin qeybaha kala duwan Bulshada Jubbaland ee ku nool dalkaas iyo madaxda dalka Kenya.

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa la soo sheegaya in deegaano 50-km u jira magaalada Kismaayo ay soo galeen,kuwaas oo cabsi geliyay dadka deegaanka.

Shacabka Jubbaland ayaa beylah u noqday khilaaf siyaasadeed oo ragaadiyay maamulka Jubbaland iyo wadaagida awooda maamulka oo aan ku saleysneyn sidii la rabay oo ahayd hab qeybsiga beelaha ee 4.5.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal ku bixineysa iney xilka ka tuurto Axmed Madoobe oo mudo 7-sano ah xilka madaxweynaha Jubbaland haya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here