AWOOD BUUXDA: Real Madrid Oo Rekoodh Ay Lahayd Gaadhay, Barcelona Oo Faro-Madhnaan Taagan & Zidane Oo Hadalo Ronaldo La Xidhiidhay Ka Xoroobay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Kooxda uu gadh wadeenka ka yahay tababare Zinadine Zidane ee Real Madrid ayaa u muuqata mid xilligii ugu haboonaa xilli ciyaareedka heshay qaab ciyaareed wanaagsan xilli ay iyaga ku xidhan tahay haddii ay hananayaan horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa wakhtigan hal dhibic hoggaanka kaga haya Barcelona oo booska labaad ah xilli ay waliba haystaan kulan dheeri ah maadaama oo ay ciyaartoodii Usbuucan caawa ciyaarayaan.

Xogta wanaagsan ee ay xilligan ay aadka ugu baahan yihiin diiwaan gashatay Real Madrid ayaa ah inay siddeed kulan oo xidhiidh ah guuleysteen kulamada horyaalka La Liga markoodii ugu horreysay mudo afar sano ah.

Markii ugu dambaysay ee ay Madrid tiradan gaadho ayaa ahayd sanadkii 2016 iyagoo wakhtigaas adkaaday 12 ciyaarood oo xidhiidh, waxa xusid mudan in wakhtigaasi uu shaqada tababarenimo ee kooxda ku cusbaa tababare Zidane.

Kaddib markii riyadii tababare Rafa Benitez ay kala daadatay ayaa shaqada tababarenimo ee kooxda Santiago Bernabeu si deg-deg ah loogu magacaabay Zidane oo xal dhaw loo arkayay.

Kaddib markii Atletico Madrid ay guuldarro ku baday Bernabeu kulankii 26-aad ee xilli ciyaareedkaas ayay Real 12 guulood si xidhiidh ah uga gaadhay horyaalka.

Guulahaas xidhiihka ah ayay Real Madrid ka heshay kooxaha kala ah Levante, Celta Vigo, Las Palmas, Sevilla, Barcelona, Eibar, Getafe, Villarral, Rayo Vallecano, Real Sociedad, Valencia iyo Deportivo La Coruna.

In Real Madrid ay xilligan gaadhay darajadaas ay sanado kahor joogtay ayaa dilaysa rajada yar ee ay Barcelona ka leedahay saddex kulan oo Real Madrid uga hadhsan horyaalka.

Dhinaca kale tababare Zidane ayaa si buuxda awoodiisa ugu caddeeyay xogtan maadaama oo marar badan lagu dhaliilay inuusan Madrid wadi karin la’aanta Cristiano Ronaldo oo kooxda joogay wakhtigaas.

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII