Atletico Madrid oo xiriir joogta ah la leh wakiilada weeraryahanka Arsenal Lacazette

Atletico Madrid ayaa dib u soo nooleyneysa xiisihii ay u qabtay weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette .

Qandaraaskii ayaa dhacaya bishii June, Lacazette kama uusan maqlin kooxda wax ku saabsan heshiis cusub wuxuuna iska diyaarinayaa inuu ka tago waqti 2022.

Le 10 Sport ayaa sheegeysa in Atletico ay muddo dheer xiriir la lahayd wakiilada Lacazette wadahadaladuna ay sii xoogeysteen isbuucyadii la soo dhaafay.

Atletico ayaa u aragta xiddiga reer France inuu yahay xiddig ku habboon kooxda xagaaga soo aadan – waxaana laga yaabaa inay ku xaqiijiso heshiis hordhac ah bisha Janaayo.

Dhiniciisa, Lacazette ayaa soo dhoweeyay rajada, gaar ahaan isagoo og sida uu u qaddariyo tababaraha Atletico Diego Simeone.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com