Atletico Madrid oo guul 2-1 ah ka gaartay kooxda Getafe, Suarez oo laba gool dhaliyay xilli dambe

Luis Suarez ayaa ku hogaamiyay Atletico Madrid inay mar kale ku soo laabato wadada LaLiga markii ay 2-1 kaga badiyeen Getafe kulankooda horyaalka La liga.

Kooxda heysata horyaalka ee Atletico Madrid ayaa dhalisay goolkii guusha daqiiqadii ugu danbeesay markaasi oo xidiga Suarez uu shabaqa soo taabtay.

kooxda Getafe ayaa ku hormartay goolka qeybta hore ee ciyaarta daqiiqadii 45aad waxana u dhaliyay S. Mitrovic iyadoo goolkaasi lagu kala nastay

Suarez ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guusha caawa isagoo goolka hore u dhaliyay daqiiqadii 78aad ee ciyaarta waxana uu goolka guusha ku hogaamiyay dhamaadka ciyaarta daqiiqadii 90+1aad guud ahaan kulankan ayaa ku soo dhamaaday 1-2.

Atletico madrid ayaa la wareegtay hogaanka Horyaalka iyagoo leh 14 dhibcood.

Atletico ayaa aadi doonta Deportivo Alaves kulanka sabtida, halka Getafe ay booqasho ugu tageyso kooxda Real Betis axada.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com