Atariishada Bollywood-ka ee Rekha oo diidday in laga baaro coronavirus… (Maxay tahay sababta?)

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Maalmo ka hor ayay ahayd markii atariishada gaamurtay ee Rekha ilaalaheeda mid ka mid ah laga helay xanuunka coronavirus, si la mid ah qaar badan oo shaqaalaheeda ka mid ah ayaa laga cudurka COVID-19.

Warar kala duwan oo kasoo baxaya dalka India ayaa sheegaya in atariishadan ay diidday in laga baaro xanuunkan maadaama uu shaqaalaheeda xubno dhowr ah kaga dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xitaa Rekha ay qolada baaritaanka coronavirus ay u diidday inay gurigeeda soo galaan.

Sida laga soo xiganayo India TV, BMC ayaa soo aaday guriga xiddigtan muddada dheer ku jirtay fanka India si ay kaga baaraan xanuunka coronavirus, hase ahaatee, markii ay la xiriireen maamulaheeda Farhana, waxay u sheegtay inay marka hor Rekha wargeliso, iyadoo jawaabtii Rekha ay noqotay inay iska laabtaan oo iyada ay iska baari doonto.

Farhana oo ah maamulaha Rekha waxay sheegtay in atariishada ay caafimaad qabto, qofna aysan la macaamilin, sidoo kalena ay iyada iska baari doonto COVID-19.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII