Askarigii labada kun ee Shilin Soomaaliga u dilay marxuum Cumar Xasan oo toogasho lagu xukumay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Muqdisho (warkii.com) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil ah oo lagu riday Dable Booliis 24,682 Nuur Daahir Geeddi oo 16-06-2020 degmada Xamarjajab ku dilay, Cumar Xasan Macalin oo 70 jir ahaa.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Booliis Nuur Daahir lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Cumar Xasan Macalin.

Eedeysane Nuur Daahir Geeddiayaa horey u qirtay inuu geystay falka dilka ah ee lagu soo eedeeyey.

Sidoo kale dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Nuur ayaa dhacday 5-tii bishaan, iyada oo ay maxkamadda shaacisay in dib ka soo sheegi doonto xukunka ku dhacay Askariga, maadaama la dhageystay xeer ilaalinta iyo qareennada difaacayey eedeysanaha.

Allaha u naxariistee marxuumka oo da’ahaa ayaa nolosha qoyskiisa ku maareynayay iibinta sandaqad yar, wuxuuna dilka marxuumka ka dhashay muranka labo kun shillin Soomaali ah oo sigaar kaga iibsanayay, waxaana dilkiisu uu dhaliyey caro dadweyne.

Si kastaba ha’ahaatee maxkamadda ciidamada ayaa inta badan xukuno adag ku rida askara dilalka bareerka ah ka geysta Muqdisho, iyada oo dhowaan dil toogasho lagu xukumay askarigii dadka shacabka ahaa bishii Ramadaan ku dilay agagaarka isgoyska Jubba ee degmada Boondheere, kaas oo ay isna dibad-baxyo waa-weyn ka dhasheen.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII