Asensio oo ku hanjabay inuu ka tagi doono Kooxda Real Madrid

Marco Asensio ayaa lagu soo waramayaa inuu ku hanjabay inuu ka tagi doono Real Madrid ka dib markii uu dareemay go’anka Carlo Ancelotti.

Xiddiga reer Spain ayaa si weyn uga dhex muuqday Zinedine Zidane xilli ciyaareedkii hore, isagoo 35 jeer u saftay Los Blancos.

Si kastaba ha ahaatee, waqtiga ciyaarta ee uu maamulayay tababaraha cusub Carlo Ancelotti way adkayd in la helo iyadoo tababaraha Talyaaniga uu kaliya siiyay Asensio 69 daqiiqo ololahan.

Isagoo rajeynaya daqiiqado isdaba joog ah intii uu ka hoos shaqeynayay Ancelotti, Asensio wuxuu gaaray heer adag dhammaadkii usbuuca markii looga tagay bedel aan la isticmaalin kulankii Real ay 2-1 kaga badisay Valencia, taasoo keentay inuu ‘qarxo’ ka dib markii uu dareemay ‘xanaaq’ tababarihiisa, sida laga soo xigtay wargeyska Sport.

Warbixinta ayaa intaasi ku dareysa sida Asensio ‘uusan ugu faraxsanayn doorka uu ku leeyahay Ancelotti’ wuxuuna ku riixay inuu ka tago kooxda marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Asensio ayaa lagu soo waramayaa in la siiyay fursad uu uga dhaqaaqo Bernabeu horaantii xagaagan, iyadoo Tottenham iyo Liverpool ay labaduba xiiseynayaan 25 jirkaan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com