Arteta oo ka Hadlay Kulanka Arsenal ee ka hortageyso Kooxda Tottenham

Macalinka Arsenal ee Arteta ayaa qiray in uu adag yahay kulanka horyaalka ee ay ka hor tagayaan Tottenham , iyadoo uu tilmaamay in guud ahaan horyaalka sanadkaan ka adkaan doono kuwii hre

Arsenal ayaa xadda qaabileysa Tottenham oo marti ugu ah kulan ka tirsan wareegga 6-aad ee horyaalka Ingiriiska

” Wax dhaawacyo ma jiraan , ciyaartooyda waa wada diyaar” ayuu kulan wareed ku yiri macalin Artetta

Waa kulan gaar ah , taageerayaasha saameyn ayuu ku leeyhaay kulamada London Derby waxaan rajeynayaa in aan natiijo wacan kala baxno”

“Waxaan kulankaas galeynaa iyadoo kalsooni xanbaarsannahay ka dib guulihii aan gaarnay , kulankaas Tottenham waxaa inaga go`an guul” ayuu sii raaciyay Arteta
Waxa uu macalinka qiray in guud ahaan horyaalka Ingiriiska sanadkaan ka adag yahay kuwii hore

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com