Arsenal & Suuq!!! – Mikel Arteta Oo Loo Sheegay Lacagta Suuqa Uu La Geli Doono & Jamaahiirta Oo Naxdin Kale Kasii Qaaday

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lagu soo warramayaa in loosii sheeegay qadarka lacagta ah ee ay kooxdu u hayso isla markaana ay doonayso inuu suuqa ku galo xagaagan.

Tababare Arteta ayaan awood u lahayn inuu suuqii bishii January wax saxeexyo ah oo rasmi ah sameeyo sababtoo ah lacagtii badnayd ee kooxda kaga baxday suuqa xagaagii hore ee 2019.

Pablo Mari ayaa qaab amaah ah ugu soo wareegay Arsenal walow heshiiskiisa dhawaan joogto laga dhigay kaddib 10 Milyan oo Pound oo ay Gunners gacanta u geliyeen kooxdiisii Sao Paolo.

Advertisements

Sidoo kale heshiiskii 27-ka Milyan ee Pound ahaa ee William Saliba ayaa sanadkii hore 2019 la dhammaystiran iyadoo la isku raacay inuu xilli ciyaareedkan dhammaadka ah amaah ku maqnaado balse uu midka soo socda ee 2020-21 rasmi ugu soo wareegayo Gunners.

Haatan Arteta ayaa ku qasbanaan doona inuu galayo xilli suuq kale oo adag maadaama oo il-wareedka ESPN uu shaaca ka qaaday in loo sii sheegay in kaliya 30 Milyan oo Pound loo hayo si uu suuqa ugu galo.

Lacagtaas ayaa wax yar kor u kici karta haddiiba ay Arsenal ku guuleysato FA Cup-ka oo ay gaadho tartanka Europe League xilli ciyaareedka dambe.

Isha kale ee uu Arteta ka heli karo lacag dheeri ah ayaa ah inuu ka sameeyo qarashaad xiddigaha uu hadda kooxda ku haysto oo uu badhkood iibiyo.

In badan oo lacagta Arteta uu ku xisaabtami doono ah ayaa la filayaa in joogto lagaga dhigi doono heshiiska Dani Ceballos oo amaah ugala jooga dhinaca Real Madrid kaas oo 23 Milyan oo Pound ku bixi karaan.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII