Arsenal Oo Weli Bahdilaad Ku Wada Mesut Ozil Iyo Mikel Arteta Oo Wax Laga Weydiiyay Sababta Ozil Looga Saaray Kooxda

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Tababare Mikel Arteta ayaa sheegay inaysan jirin wax ka isbedelay xaalada Meust Ozil ka dib markii xiddiga Jarmalka mar kale laga saaray kooxda Gunners.

31 jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu ciyaaro xitaa hal daqiiqo tan iyo markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka bishii la soo dhaafay iyadoo Arteta uu hore u qirtay inuu sababo farsamo darteed uga soo tagay xiddigaan.

Ka dib waxaa la sheegay in sababtii ay kooxda Arsenal xitaa ugu soo dari weysay liiska ciyaartoyda keydka inay tahay inuu qabo dhaawac dhabarka ah.

Laakiin kulamadii ugu danbeysay lama xusin dhaawacaas, iyadoo mar kale sababo farsamo looga saaray kooxda. Xiddiga Jarmalka oo qandaraaskiisa uu dhacayo sannadka danbe ayaa u muuqda mid ciyaaray kulankiisii ugu danbeysay ee kooxda.

Markii ugu danbeysay ee Ozil lagu arkay kursiga keydka waxay aheyd kulankii Southampton, markaasoo ay taageerayaasha ku maadeysteen inuu dalad isaga dhigay qoraxda garoonka.

Waxay u muuqataa inay taasi tahay markii ugu danbeysay ee ay taageerayaasha arkaan Ozil xilli ciyaareedkan, iyadoo Arteta uu u sheegay suxufiyiinta inuusan war dheeri ah ka heynin xaaladiisa.

Tababaraha Arsenal ayaa wax laga weydiiyay xaalada Ozil ka dib guuldaradii 2-1 ee ka soo gaartay Tottenham.

Wuxuu yiri: “Weli xaaladiisa waa mid la mid ah sidii isbuucii la soo dhaafay ama labo isbuuc ka hor.

“Waxaan sheegnay in wax walba aan si hoose u xalin doono”

Markii la weydiiyay waxa uu kala jeedo hadalkaas, wuxuu ku jawaabay: “Wax aan ka sheego xaaladiisa ma jirto”

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII