Arsenal oo u aragta Youssef En-Nesyri inuu yahay badalka Pierre-Emerick Aubameyang

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo weeraryahanka Sevilla Youssef En-Nesyri , iyadoo Gunners ay dooneyso inay la saxiixato bedelka mustaqbalka fog ee Pierre-Emerick Aubameyang .

Gunners ayaa loo maleynayay inay dooneyso inay weeraryahan cusub u keento kooxda xagaaga laakiin ma aysan awoodin inay sare u qaadaan xulashooyinka aaggaas.

Sida laga soo xigtay La Colina de Nervion , kooxda Mikel Arteta ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa En-Nesyri, kaasoo xilli ciyaareedka cusub ku bilowday qaab ciyaareed cajiib ah, isagoo dhaliyay labo gool isla markaana caawiye ka noqday seddex kale oo La Liga ah.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Arsenal ay dooneyso inay lasoo saxiixato weeraryahanka bisha Janaayo laakiin waxaa laga yaabaa inay sugto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka si ay heshiis ula gasho Sevilla.

En-Nesyri, oo afar sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Estadio Ramon, ayaa dhaliyay 32 gool 81 kulan oo uu u saftay kooxda Julen Lopetegui tartamada oo dhan.

Dhanka kale, Aubameyang, ayaa u muuqda mid ku soo dhowaanaya marxaladihii dambe ee waayihiisa Emirates Stadium, iyadoo 32 jirkaan loo maleynayo inuu raadinayo waddo uu uga baxo kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here