Arsenal oo soo bandhigtay qiimaha ay kula Soo Wareegeyso Noa Lang bisha Janaayo

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqeyso bisha Janaayo xidiga kooxda Club Brugge ee Noa Lang .

22 jirkaan ayaa ku bilaabay ololaha 2021-22 qaab cajiib ah kooxdiisa Belgium, isagoo dhaliyay afar gool isla markaana diiwaangeliyay afar caawin 13 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Lang wuxuu saftay kulankiisii ​​ugu horreeyay ee Netherlands kulankii Latvia 8-dii Oktoobar.

Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in Arsenal ay AC Milan kula biirtay loolanka loogu jiro weeraryahanka, kaasoo weli afar sano ay uga harsan tahay heshiiskiisa haatan.

Sida laga soo xigtay Voetbal24 , kooxda Mikel Arteta ayaa isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo inta lagu jiro suuqa jiilaalka waxayna diyaar u tahay inay 25 milyan oo ginni ku dalbato weeraryahanka.

Warbixinta waxay sheegaysaa in Brugge uu ku qiimeeyo ninka reer Holland £ 33m, iyadoo kooxdu ka warqabto xiisaha sii kordhaya ee adeegyadiisa ka hor furitaanka suuqa jiilaalka.

Lang ayaa dhaliyey 21 gool waxaana u diiwaan gashanaa 15 caawin 50 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com