Arsenal Oo Qoratay Liiska Afar Nin Oo Uu Ku Jiro Memphis Depay Haddii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Baxo Xagaagan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Arsenal ayaa lagu waramayaa inay qorotay liiska afar nin oo ay u arkaan inay bedeli karaan Pierre-Emerick Aubameyang haddii kabtanka Arsenal uu kooxda ka tago.

Warbaahinta Faransiiska ee Le10Sport ayaa sheegeysa in weeraryahanka Wolves Raul Jimenez inuu ugu sareeyo liiskaan halka uu sidoo kale ku jiro kabtanka kooxda Lyon Memphis Depay.

Xiddiga reer Mexico oo uu tababarihiisa xulka qaranka ugu baaqay inuu xagaagan ku biiro Man United ayaa 17 gool ka dhaliyay Premier League xilli ciyaareedkan.

Advertisements

29 jirkaan oo lagu qiimeynayo 90 milyan ginni ayaa dhawaan sheegay inuu iska dhegotirayo wararka suuqa islamarkaana uu ku faraxsan yahay Wolves.

Mikel Arteta ayaa sidoo kale doonaya weeraryahanka kale ee kooxda Lyon Moussa Dembele.

Arsenal ayaa la sheegayaa inay weli wadahadal kula jirto wakiilada 23 jirkaan iyagoo dhowr jeer u diray rag soo daawada weeraryahanka xilli ciyaareedkan.

Dembele ayaa sidoo kale muddo dheer diirada u saarnaa Manchester United, xitaa maalmihii uu joogay Fulham ka hor inta uusan Marcus Rashford soo bixin waxaa qorshahooda uu ahaa inay la saxiixdaan xiddiga Faransiiska.

Xiddiga saaxiibkiisa ah ee ay isla joogaan Lyon ee Memphis Depay ayaa isna ku jira liiska ay qoratay Arsenal.

Tababaraha Gunners Arteta ayaa la aaminsan yahay inuu si weyn u qiimeeyo awooda farsamo ee xiddiga reer Netherlands iyo sidoo kale shaqsiyadiisa istustuska ah.

Depay oo 26 sanno jir ah ayaa ku dhibtooday labadii xilli ciyaareed ee uu joogay Manchester United laakiin waxa uu dib u soo kacay markii uu u wareegay horyaalka Faransiiska.

Qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa xagaaga danbe isagoo raadinaya meel kale uu aado ka dib markii Lyon ay ku guuldareysatay inay soo baxdo tartamada Yurub markii ugu horeysay muddo 23 sannadood ah.

Xiddig kale oo isna ku jira liiska ay qoraty Arsenal waa xiddiga garabka ka ciyaara ee Newcastle oo lagu magacaabo Allan Saint-Maximin.

Tababaraha Newcastle Steve Bruce ayaa amaanay dhawaan xiddiga Faransiiska isagoo ku tilmaamay saxiixii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan, wuxuuna sheegay inaysan jirin fursad uu ku baxayo.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII