Arsenal Oo Jug Culus Gaadhsiisay Liverpool, Arteta Oo Farxad Ku Dabbaal-degay Iyo Reds Oo Laga Joojiyey Inay Gaadho Rikoodhkii Dhibcaha Ee Man City

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Arsenal ayaa dhirbaaxo kulul ku dhaftay Liverpool oo ay ku martigelisay Emirates Stadium, waxaanay ka hor joogsatay rikoodh weyn oo Jurgen Klopp iyo xiddigihiisu muddo dheer ku hamiyayeen.

Laba qalad oo ay sameeyeen Virgil van Dijk iyo Alisson Becker ayaa Arsenal ka caawiyey inay ka daba-timaaddo Liverpool oo gool kala hormartay, waxaanay ku garaacday 2-1.

Liverpool oo ciyaarta inteeda badan maamulanaysay ayaa daqiiqaddii 20aad hoggaanka ciyaarta qabatay, waxaana kubbad ay isku soo dhiibeen Firmino iyo Robertson shabaqa ku hubsaday Sadio Mane. Laakiin qalad uu sameeyey Virgil van Dijk ayaa faa’iido siiyey Arsenal, waxaana goolka barbarraha ugu dhaliyey Alexandre Lacazette.

Advertisements

Mar kale ayay Arsenal ka faa’iidaysatay baas qaldan oo uu dhiibay goolhaye Alisson Becker, waxaana kubadda soo qaatay Lacazette oo usii dhiibay Reiss Nelson oo kubadda ka dul-qaaday goolhayaha.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Arsenal, waxaanay soo gashay kaalinta sagaalaad iyadoo lix dhibcood ka dambaysa Wolves oo kaalinta lixaad fadhida.

Liverpool ayaa guul-darradani ay ka joojisay inay soo qabato rikoodhkii dhibcaha Manchester City ee 100ka dhibcood, waxaana haddii ay labada ciyaarood ee u hadhay ay gaadhi doontaa 99 iyagoo hal dhibic ka dambayn doona rikoodhka City ay dhigatay.

Shaxdii labada kooxood

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson Becker; Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez, Virgil Van Dijk, Andrew Robertson; Fabinho, Georginio Wijnaldum, Alex Oxlade-Chamberlain; Sadio Mane, Mohamed Salah, Roberto Firmino.

Kaydka: Adrian, Dejan Lovren, Neco Williams, Naby Keita, Takumi Minamino, Xherdan Shaqiri, Curtis Jones, Harvey Elliott, Divock Origi.

ARSENAL (3-4-3): Emiliano Martinez; Rob Holding, David Luiz, Kieran Tierney; Cedric Soares, Lucas Torreira, Granit Xhaka, Reiss Nelson; Nicolas Pepe, Alexandre Lacazette, Bukayo Saka.

Kaydka: Hector Bellerin, Sokratis, Dani Ceballos, Pierre-Emerick Aubameyang, Ainsley Maitland-Niles, Shkodran Mustafi, Joseph Willock, Saed Kolasinac, Matt Macey.

Mikel Arteta oo u muuqday inuu kasii fikirayo ciyaarta Sabtida ee Semi-finalka FA Cup ay ku waajihi doonaan Manchester City ayaa shan beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Tottenham ee guul-darrada 2-1 ah kasoo gaadhay. Waxa uu kaydka dhigay Mustafi, Kolasinac, Bellerin, Ceballos iyo Aubameynag, halka uu keenay Holding, Cedric, Torreira, Saka iyo Nelson.

Tababaraha Liverpool ayaa dhinaciisa laba beddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Southampton ee barbarraha ay kusoo dhamaysteen, waxaanu soo qaddimay Alexander-Arnold iyo Oxlade-Chamberlain, iyadoo uu kaydka u diray Williams iyo Jones.

Arsenal ayaa qaab cadhaysan kusoo gashay garoonka, waxaanay doonayeen inay iska maydhaan ceebta ka haysata kulamada ay garoonkeeda Emirates ku qaabisho Liverpool oo sagaalkii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay shan ka mid ah Liverpool badisay, afarta kalena barbarro galeen, waxaana guul-darradii ugu weynayd ay soo gaadhay April 2015 oo ay Reds 4-1 ku badisay.

Laakiin Liverpool ayaa bilowgiiba si buuxda u qabsatay maamulka ciyaarta, waxaana daqiiqaddii 12aad birta ka jaray kubadda Roberto Firmino oo kubbad uu goolhaye Martinez laagayay lugta u dhigay.

GOOOAAALLL!!! Arsenal 0-1 Liverpool – Roberto Firmino ayaa kubbad uu dhexda ka qaaday dhinaca bidix u dhigay Robertson, waxaanu soo hormariyey goolka kubbadda oo uu xerada ganaaxa horteeda kula kulmay Sadio Mane oo shabaqa taabsiiyey.

Mane ayaa muujiyey sida uu laf-dhabarta ugu yahay Liverpool, waxaanu kusoo lug yeeshay 24 gool oo ay kooxdiisu dhalisay, isaga oo dhaliyey 17 gool iyo 7 uu caawiye ka noqday xili ciyaareedkan, horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa heshay fursad uu helay da’yarka Nelson oo kubadda kula dhowaaday goolka, waxaanay ciyaartu ku sigatay inay noqoto 1-1.

Labada kooxood ayaa u baxay waqti yar oo biyo cabbis ah, markii lagu soo laabtayna waxa dardar lasoo gashay Arsenal oo uu wax usoo sheegay Mikel Arteta, waxaanay kubadda iskugu dhiibeen khadka dhexe iyo qaab ay si fudud weerar rogaal celis ah u samaynayeen.

GOOOAAALLL!!!! Arsenal 1-1 Liverpool – Lacazette ayaa Arsenal u dhaliyey goolka barbarraha, waxaanu goolhaye Alisson daba mariyey kubbadda. Virgil Van Dijk ayaa qalad weyn sameeyey, waxaana isaga oo kalidii ah oo goolka hortiisa ku haysta kubadda soo cidhiidhiyey da’yarka Nelson Nelson oo u muuqday inuu qalad ku galay, waxaana kubaddu ay u tagtay Lacazette oo isaguna kooxdiisa kaga farxiyey.

Liverpool ayaa ku doodday in Van Dijk lagu qalmay oo la qabsaday gacanta bidix ee uu ku xidhnaa calaamadda kabtannimada, laakiin garsooraha iyo VAR ayaanay midkoodna waxba u qaban.

Andy Robertson ayaa kubbad ka keenay dhinac bidix ee garoonka, waxaanu kusoo dhex-tuuray xerada ganaaxa, waxaana ciyaartoyda Liverpool ka diiday inay fursad ka heleen Cedric oo dareenkiisu soo jeeday.

GOOOAAALLL!!! Arsenal 2-1 Liverpool – Gebi ahaan kubadda ayaa noqotay mid u jeedsatay dhinaca Arsenal, waxaanay u egyihiin kuwo nasiibku saacidayo, halka Liverpool ay samaynayso qaladaad waaweyn. Kubbad uu soo laagay Allison oo uu doonayay inuu baas ku bixiyo ayey Arsenal soo qaadatay, waxaana uu Lacazette si muhaninimo leh u siiyey Nelson oo aan isaguna wax fursad ah siinin goolhayaha reer Brazil.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-1 ay guusha kula nasatay Arsenal, waxaana 15 daqiiqadood kaddib la iskugu soo laabtay garoonka, iyadoo ay Liverpool dardar kula soo laabatay oo bilowgiiba kubaddo ay isku dayeen inay goolka ku laagaan Robertson, Salah iyo Firmino ay ciyaartoyda Arsenal ka joojiyeen.

BADBAADO: Martinez ayaa kubbad halis ah ka badbaadiyey Mohamed Salah oo hirtiisa ku kala diray David Luiz, kaddibna kubbad sare ku toogtay meel uu filayey inay ka fogtahay goolhayaha, laakiin Martinez ayaa gacan ku tiigsaday kana dallacay.

FURSAD: Liverpool ayaa heshay fursad qaali ah. Andy Robertson ayaa kubbad u tuuray Sadio Mane, waxaanu xiddiga reer Senegal ka dheereeyey Maintland-Niles, laakiin goolhaye Martinez ayaa kusoo baxay soo soo cidhiidhyay, halka Maintland-Niles uu ka hadhi waayey. Kubadda ayaa birta garab martay.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Liverpool heshay fursado, laakiin Arsenal ayaa isku ururisay xerada ganaaxa, kana joojisay in wax walba oo ay Reds sameeyaan ay goolkooda gaadhaan, waxaanay ugu dambayn labada kooxood ku kala baxeen 2-1 ay guushu ku raacday Arsenal.

Arsenal waxay hadda saddex dhibcood ka dambaysaa Wolves oo kaalinta lixaad fadhida, waxaanay fursad u heli karaan inay soo qabtaan haddii ay labada kulan ee u hadhay badiyaan, isla markaana la qabto kooxaha ka horreeya, taas oo u suurtogelin karta Gunners inay ka qayb-galaan tartanka Europa League ee xili ciyaareedka dambe.

Dhinaca kale, Liverpool ayay guul-darradani ka joojisay inay soo qabato rikoodhkii dhibcaha ay Manchester City horyaalka Premier League u dhigtay oo ahaa 100 dhibcood, waxaana labada kulan ee u hadhay ee Chelsea iyo Newcastle haddii ay badiso ay kaliya tegi doontaa 99 dhibcood, taas oo farxad u ah Pep Guardiola oo ku faana rikoodhkan.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII