Arsenal Oo Iska Xaadirisay Wareegga 4-aad EFL CUP . , Waxa Ay Xasuuqeen Nottingham Forest

Arsenal ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Nottingham Forest hal gool oo nadiif ah waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga sedexaad ee ee koobka EFL CUP .

Ciyaarta ayaa aheyd iska deggan , Arsenal iyaga ayaana maamulka kubadda ku badnaa balse halis gilin muuqata ma jirin .

Goolka kaliya ee Arsenal waxaa dhaliyay Gabriel Martinelli kaasi oo yimid daqiiqaddii 31-aad waxaana dhamaadkii ay sigayeen shabaqa balse goolhayaha ayaa bad baadiyay dhowr fursad .

Tierney, Martinelli iyo Chambers ayaa qeybtaas hore soo bandhigay hanaan ciyaareed aad u wacan .

Soo laabashadii Arsenal kubadda iyaga ayaa haystay waliba heer gaarsiisan %69 balse kubadda si sax ah uma aysan gaarsiineyn goosha Nottingham Forest .

Dadaalkii Arsenal waxa ay ku keeneen gool labaad ee uu saxiixay Rob Holding waxa ayna aheyd daqiiqadii 71-aad xilli kooxdaas ay dhamaadkii soo bandhigeen kubad aad u wacan .

Nottingham Forest waxa ay ku tiirsanayaeen kubadaha rogaal celiska balse waxaa ku adkaa in ay u dhawaadaan goosha Arsenal xilli ay ka dhacayeen qaladaad dhanka baasaska ah

Arsenal intaas kuma joojin bandhiggooda oo waxa ay dhaliyeen gool sedexaad oo si cajiiba ah loo soo dhisay waxaana daqiiqaddii 77-aad saxiixay Joseph Willock

Si waliba , Arsenal dhamaadkii kubadda waa ay u diideen Nottingham Forest xili gool afaraad ay u sii raaciyeen waxaana daqiiqaddii 84-aad dhaliyay Reiss Nelson iyadoo ay ciyaarat ay ku dhamatay afar gool oo nadiif ah

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here