Arsenal oo guul 1-0 ka gaartay kooxda Burnley, Gunners oo badisay kulankeeda labaad oo Xiriir ah

kooxda Arsenal ayaa mar kale boorka iska jaftay waxana ay guul ka gaareen kooxda Burnley kulan ka tirsan Horyaalka premier league oo ku soo dhamaaday 1-0.

Gunners ayaa ku jirtay mid kamid ah Waqtigeeda ugu adkaa kadib guul-darooyin ay ku bilaabatay horyaalka lakin guusha Maanta ayaa ka saacideysa in ay dib isku soo dhisto.

Xidiga reer Norway Martin Oedegaard oo xagaagan toos ugu soo biiray kooxda ayaa Gunners ka saaciday goolka guusha daqiiqadii 30aad ee qeybta hore iyadoo guud ahaan ciyaarta ay ku soo dhamaatay 1-0.

Qeybta labaad ma jirin fursado badan oo labada dhinac abuureen.

natiijada labada gool ee ugu danbeesay ayaa ka dhigan in Arsenal soo gasho booska 12aad ee horyaalka iyadoo leh 6 dhibcood.

Shaxda ay ku soo bilowdeen labada kooxood

Burnley XI: Gudmundsson, Barnes, Westwood, Wood, Lowton, Mee, Tarkowski, Taylor, Pope, Brownhill, McNeil

Subs: Lennon, Pieters, Bardsley, Hennessey, Jay Rodriguez, Cork, Vydra, Cornet, N. Collins

Arsenal XI: Aubameyang, Partey, Pepe, Tierney, Martin Odegaard, Tomiyasu, Gabriel, Ramsdale, B. White, Smith Rowe, Saka

Subs: Lacazette, Leno, Cedric, Mari, Maitland-Niles, Holding, A. Lokonga, Martinelli, Nuno Tavares

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com