Arsenal Oo Go,aansatay In Ay Iska Iibiso Henrikh Mkhitaryan & Europa League Oo Sabab U Ah

0

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay si Rasmi ah u go,aansatay in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdeeda ee Henrikh Mkhitaryan sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka England.

Kooxda uu hogaamiyo tababare Unai Emery ayaa go,aansatay in ay iska iibiso xiddiga Henrikh Mkhitaryan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii uu xiddigu go,aansaday in uu isaga hadho kooxda kulanka Finalka Europa League.

Waxa jirta Aqbalid guud oo muujinaysa in uuns 30 jirkan kulan dambe u ciyaari doonin kooxda Arsenal kooxdana sii joogi doonin wixii ka dambeeya xagaagan.

Sababta ay Arsenal u go,aansatay in ay u iibiso Henrikh Mkhitaryan ayaa ah go,aanka uu xiddigu ku qaatay in uu isaga hadho finalka Europa League oo ka dhici doona Baku sabab la xidhiidha colaad siyaasadeed oo dalka lagu qabanyo Finalka kala dhexaysa dalka uu xiddigu ka soo jeedo ee Armenia.

Inkasta oo ay kooxdu taageertay go,aanka xiddiga hadana waxa ay aaminsan tahay in uu soo dhamaaday mustaqbalka xiddiga ee Emirates.

Henrikh Mkhitaryan ayaa kooxdiisa u ciyaaray 39 kulan oo tartamada oo dhan isaga oo caawiyo ka noqday 7 gool sidoo kale dhaliyay 6 gool oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here