Arsenal Oo Go’aamineysa Mustaqbalka Weeraryahan Harry Kane Caawa

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Natiijada kulanka caawa fiidkii ee North London Derby ayaa muhiim weyn u noqon doona mustaqbalka Harry Kane, sida ay qortay jariirada Ingariiska ee The Sun.

Weeraryahanka oo 26 sanno jir ah ayaa muddo dheer hogaaminayay Spurs, iyadoo ay muuqatay inay riyadiisa u run u noqoneyso oo koobab la qaadayo kooxda.

Laakiin sidaasi ma aysan dhicin. Tottenham ayaa dib ugu laabatay waayaheedii hore – inay ismuujiso balse natiijo aysan keenin.

Kane ayaa ka daalay dib u dhaca kooxda. Markii la weydiiyay mustaqbalkiisa kooxda waxa uu sheegay inuu qiimeyn doono dhamaadka xilli ciyaareedka.

Laakiin inaad booskaaga taagnaato waxay la micno tahay inaad dib u socod sameysay, waana waxa ay Spurs sameyneyso.

Kane wuxuu kabtan u yahay xulka England. Wuxuu ku guuleystay Kabta Dahabka Ee Koobka Adduunka oo uu wadankiisa gaarsiiyay semi-finalka.

Kulankii Bournemouth ee Khamiistii waxay ku qaadatay daqiiqadii 78aad inuu kubad ku dhex taabto xerada ganaaxa kooxda Bournemouth.

Taasi ma ahan horumar, waana waxa ka careysiinaya weeraryahanka Ingariiska islamarkaana ka walwalsiinaya Jose Mourinho.

Spurs waxay gaartay finalka Champions League sannadkii hore, laakiin haddii Kane uu doonayo inuu final kale ciyaaro waa inuu isaga dhaqaaqo Tottenham.

Guuldarro soo gaarta caawa islamarkaana xaqiijisa in Arsenal ay ku dhameysan doonto kaalin ka sareysa Tottenham markii ugu horeysay muddo afar xilli ciyaareed ah, waxay xaqiijin doontaa bixitaanka Kane ee xagaagan sida ay qortay The Sun.

The Sun waxay sheegtay guuldarro caawa soo gaarta Tottenham inay keeni doonto in Harry Kane uu isaga tago Spurs islamarkaana uu raadsado koox leh hamigiisa oo kale.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII