Arsenal Oo Barbarro Ku Qabatay Leicester, Kaalintii 4aad Oo Chelsea Si Buuxda Ugu Fadhiisatay Iyo Da’yarkii Nasiib-darradu Ku Dhacday

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Arsenal ayaa barbarro 1-1 ah la gashay Leicester City oo ay ku martigelisay garoonkeeda Emirates, waxaanay natiijadaasi fursad weyn siisay Chelsea oo si buuxda ugu fadhiisatay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League.

Ciyaartan oo ay inteeda badan hoggaanka haysay Arsenal ayaa daqiiqaddii 21aad la hormartay gool uu u dhaliyey Aubameyang oo saxeexay goolkiisii 20aad ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, laakiin Leicester City ayaa goolka barbarraha la timid dhamaadka ciyaarta oo shan daqiiqadood ka hadhsan tahay.

Arsenal ayaa ku negaatay kaalinta 7aad ee horyaalka Premier League iyadoo laba dhibcood ka dambaysa Wolves oo lixaad ku jirta, hase yeeshee Leicester City ayaa lumisay booskeeda kaalinta 3aad oo ay Chelsea la wareegtay, waxaanay Foxes u dageen kaalinta afraad.

Shaxdii labada kooxood

LEICESTER CITY (3-4-1-2): Kasper Schmeichel (captain); Ryan Bennett, Jonny Evans, Caglar Soyuncu; James Justin, Wilfred Ndidi, Youri Tielemans, Marc Albrighton; Ayoze Perez; Kelechi Iheanacho, Jamie Vardy.

Kaydka: Danny Ward, Wes Morgan, Christian Fuchs, Nampalys Mendy, Hamza Choudhury, Matthew James, Dennis Praet, Harvey Barnes, Demarai Gray.

ARSENAL (3-4-3): Emiliano Martinez; Shkodran Mustafi, David Luiz, Sead Kolasinac; Hector Bellerin, Dani Ceballos, Granit Xhaka, Kieran Tierney; Bukayo Saka, Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang (captain).

Kaydka: Matt Macey, Rob Holding, Sokratis Papastathopoulos, Ainsley Maitland-Niles, Lucas Torreira, Joe Willock, Reiss Nelson, Nicolas Pepe, Eddie Nketiah.

Mikel Arteta ayaa laba beddel ku sameeyey safkii uu Sabtidii kula ciyaaray Wolves ee uu guusha 2-0 ah kaga soo gaadhay, waxaanu difaaca midig kusoo bilaabay Hector Bellerin oo uu ku beddelay Cedric Soares iyo Alexandre Lacazette oo afka hore la wadaagay Aubameyang.

Laakiin Brenden Rodgers oo ku xisaabtamayay inuu booskiisa saddexaad kusoo celin karo Leicester City oo ay Chelsea kagala wareegtay kulankii ay dirqiga kaga adkaatay Crystal Palace ayaa hal ciyaartoy oo kaliya ka beddelay safkii uu kula dheelay Crystal Palace ciyaartii hore, taas oo uu kaga dhaawacmay Ben Chilwell oo uu ku beddelay Ryan Bennett.

Ciyaarta oo uu garsoore ka ahaa Chris Kavanagh ayay Arsenal si buuxda maamulkeeda ula wareegtay waqti horeba, waxaanay khadka dhexe iyo labada garab ka keenaysay kubbad khatar ah, hase yeeshee Jamie Vardy iyo Kelechi Iheanacho ayay heegan adag ugu jireen David Luiz iyo Mustafi.

Arsenal ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 21aad ee ciyaarta, waxaana gool u dhaliyey Aubameyang oo kubbad uu usoo farsameeyey da’yarka Saka oo difaaca Leicester ku kala diray taabasho kaliya.

Aubameyang ayaa goolkani u ahaa midkiisii 20aad ee xili ciyaareedkan uu dhaliyo, kaas oo uu ku xoojistay tartanka uu ugu jiro kabta dahabka ah oo ay ku loollamayaan Vardy.

Arsenal ayaa sigtay inay gool labaad hesho, waxaana kubbad awood badan goolka ku toogtay Lacazette, hase yeeshee Schmeichel ayaa iska soo celiyey. Bellerin ayaa isaguna birta dul mariyey.

MAYA! Leicester City ayaa laga diiday gool uu dhaliyey Iheanacho oo shabaqa ku hubsaday kubbad uu usoo dhiibay Vardy, laakiin weeraryahanka reer Nigeria ayaa qalad kusoo galay Kolasinac ka hor intii aanu goolka dhalin.

Arsenal iyo Leicester waxay labaduba heleen fursado ay goolal ku dhashan kari lahaayeen dhamaadka qaybta hore, laakiin midkoodna kama faa’iidaysan.

Qaybta labaad ayaa ku bilaabantay jawi la mid ah kii hore, waxaana markiiba fursad weyn heshay Arsenal oo loo dhigay laag xor ah bannaanka xerada ganaaxa, waxaana dul istaagay David Luiz, laakiin goolhaye Schmeichel oo soo tiigsaday ayaa u saaray koorne.

Laakiin Vardy ayaa kaga jawaabay kubbad qurux badan oo uu dhinaca midig uga soo dhiibay Iheanacho oo xerada ganaaxa soo galay, waxaanu weeraryahanka reer Nigeria kubadda la miciinsaday laag isaga oo aan maamulin, waxaana kubaddaas badbaadiyey Martinez.

Leicester City ayaa qaybta dambe si weyn usoo xoogaysatay, waxaanay si wanaagsan u maamushay kubadda, waxaanay gacanta ku dhigtay khadka dhexe iyadoo weerar rogaal-celis iyo orod ah uu Vardy ku xiijisay difaaca Gunners.

GOOAALLL- MAYA – Lacazette ayaa shabaqa Leicester City ku hubsaday kubbad koorne ahayd oo Sian Massey-Ellis soo taabatay, waxaana goolka oo laga soo hubiyey VAR la go’aamiyey in uu OFFSIDE yahay.

NASIIB-DARRO IYO WAJI GABAX: Edward Nketiah oo beddel kusoo galay ayaa Arsenal lagaga saaray kaadh cas oo toos ah, kaddib markii uu dacsad ku qabtay Justin. Nasiib-darro ayaa ku dhacday da’yarkan oo garoonka ka baxay isagoon wali kubadda taaban, waxaanay Arsenal noqotay toban ciyaartoy.

GOOOAAALLL!!! Arsenal 1-1 Leicester – Jamie Vardy ayaa kooxdiisa Foxes u dhaliyey goolka barbarraha daqiiqaddii 85aad, waxaanu ahaa gool muran galay oo loo maleeyey inuu yahay Offside, hase yeeshee muddo loo taagnaa VAR la go’aamiyey in aanu Vardy offside ku jirin.

Goolka kaddib, waxa Arsenal fuulay culays badan, waxaana Leicester City oo hal ciyaartoy dheerayd ay awood u yeelatay inay kubbadaha si fudud u geyn karaan xerada ganaaxa, halka Gunners ay ku dhibaatootay sidii ay u ilaashan lahayd kubaddeeda.

Ciyaarta oo lagu daray siddeed daqiiqadood oo dheeraad ah oo waqtigii ku lumay fiirinta VAR ee casaanka iyo goolka Vardy ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ay Arsenal soo yara noolaatay…

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII