Arsenal oo 3-1 Ku garaacday Tottenham Ciyaar lagu kala baxay Qeybta hore

Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay Tottenham Xili ciyaarta lagu kala baxay qeybta Hore markaasi oo Gunners ay dhalisay Saddex gool.

Goolal ay kala dhaliyeen E. Smith-Rowe, P. Aubameyang, iyo saka ay Gunners ugu Filneyd guuaha Caawa iyadoo Macalin Arteta uu markale boorka dib iskaga jafay.

Goolasha Arsenal waxaa bilaabay Emile Smith Rowe daqiiqadii 12aad ka hor inta uusan u labeynin Aubameyang oo dabaaldegihiisa ku xusay halyeeyga uu maaliyadiisa dhaxlay ee Thiery Henry isagoo u dabaaldegay sidiisii oo kale, waxaana Spurs quusiyay Bukayo Saka daqiiqadii 34aad.

Qeybta hore ayaa lagu kala nastay 3-0, Kooxda Tottenham ayaana heshay gool dhamaadka Qeybta labaad guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-1.

Natiijadaan ayaa la micno ah in Gunners ay soo gashay kaalinta 10aad ee Premier League halka Tottenham ay ku jirto kaalinta 11aad ka dib seddex kulan oo isku xigta oo laga badiyay, laakiin waxay wadaagaan 9 dhibcood.

Maxaa xiga?

Arsenal ayaa booqan doonta xirmada lama filaanka ah ee Brighton and Hove Albion Sabtida. Spurs ayaa martigelin doonta Aston Villa maalin kadib, seddex maalmood kadib markii ay la ciyaartay Mura tartanka Europa League League.

Shaxda lagu soo bilaabay ciyaarta.

Arsenal XI: Aubameyang, Xhaka, Partey, Tierney, Martin Odegaard, Tomiyasu, Gabriel, Ramsdale, B. White, Smith Rowe, Saka

Subs: Lacazette, Leno, Cedric, Pepe, Maitland-Niles, Holding, A. Lokonga, Martinelli, Nuno Tavares

Tottenham XI: Lloris, Son, Lucas, Kane, Hojbjerg, Alli, Dier, Sanchez, Ndombele, Reguilon, Tanganga

Subs: Ben Davies, Gollini, Lo Celso, J. Rodon, Romero, Skipp, Aparecido, Gil, D. Scarlett

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com