Arsenal & Man City Oo Heshiisyo Ku Dhawaaqaya, Man United Oo SADDEX Saxeex Shaacinaysa, Chelsea Oo U Dhow Havertz Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Suuqa iibka ciyaartoyga ayaa si ramsi ah u furmi doona bisha dambe ee  August, waxaanay kooxuhu si toos ah u bilaabi doonaan inay lasoo wareegaan ciyaartoyda ay danaynayaan, laakiin inta ka horreysa ayay iyaguna dhacayaan heshiisyo qaab qaddimaad ah ay kooxuhu usii samaynayaan, maadaama lasoo gabogabeeyey horyaalladii waaweynaa qaarkood sida Bundesliga iyo LaLiga.

Warbaahinta dunida ayaa si joogto ah usoo bandhiga xogta ugu dambaysa ee suuqa ee maalinlaha ah iyo dhaqdhaqaaqa naadiyadu sida hoose ee qarsoodiga ah u wadaan. Waxa kale oo ay soo gudbiyaan xanta aan xaqiiqadeeda la hubin iyo tuhunnada isku xidhiidhinaya ciyaartoyda iyo kooxaha qaarkood.

Sidii aad nooga barateen, waxa aanu si joogto ah idiinku soo gudbinaa xogta u dambaysa ee suuqa, hadal-haynta, xanta iyo xanta jirta intaba, waxaananu maanta oo Salaasa ah idiin soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee ay qoreen wargeysyada Yurub:

Advertisements

Manchester City waxay ku dhowdahay inay dhamaystirto heshiis ay Bournemouth kagala soo wareegayso difaaca reer Netherlands ee Nathan Ake oo 25 jir  ah. (Guardian)

Manchester United waxa laga sugayaa in Borussia Dortmund ay u gudbiso laba go’aan midkood. Inay miiska saarayso £80 milyan oo Gini oo ay dalab rasmi ah ka dhiibayso Jadon Sancho iyo inay faraha kala baxayso 20 jirkan. (Star)

Chelsea waxay wada-hadallo kula jirtaa Bayer Leverkusen oo ay ka doonayso Kai Havertz oo ay ku rabto £70 milyan oo Gini. waxaanay Blues u muuqataa inay ku adkaanayso tartanka laacibka 21 jirka ah ee reer Germany. (Sky Sports)

Laakiin Bayer Leverkusen ayaa doonaysa in Chelsea ay bixiso £90 milyan oo Gini oo laba qaybood loo kala qaadayo. Wajiga koowaad, waxay doonaysaa £63 milyan oo Gini iyo qaybta labaad £27 milyan oo Gini ah oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa. (Sun)

Laacibka reer Spain ee khadka dhexe ee Dani Ceballos oo 23 jir ah, wuxuu caddeeyey inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo Arsenal xili ciyaareedka soo socda, waxaanu doonayaa in Real Madrid ay sannad kale ku darto heshiiska amaahda ah ee uu Gunners ku joogo. (Sky Sports)

Chelsea waa inay bixiso 120 milyan oo Euro haddii ay doonayso goolhayaha reer Slovenia ee Jan Oblak, waana lacagta lagu burburin karayo heshiiska uu 27 jirkani kula jiro Atletico Madrid. (Goal)

Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ee Mesut Ozil oo 31 jir ah, waxa uu iska diiday dalab uu ka helay kooxda reer Turkey ee Fenerbahce. (Bild)

Laakiin Ozil waxa uu door bidayaa inuu tago kooxda dhowaan ku guuleysatay horyaalka Turkiga ee Istanbul Basaksehir oo uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo. (90min)

Arsenal waxay diyaarinaysaa inay miiska saarto £40 milyan oo Gini oo ah lacagta lagu burburin karayo heshiiska 17 jirka Sporting Lisbon afaka hore uga ciyaara ee Joelson Fernandes oo u dhashay Portugal. 24 saacadood gudahood ayaa  la filayaa in heshiisku dhaco. (A Bola)

West Ham qorshaha uguma jirto inay heshiis cusub kala xaajooto kabtankeeda Mark Noble oo 33 jir ah, iyadoo uu heshiiskiisu dhamaanayo xagaaga 2021. (Football Insider)

Manchester United waxay rajaynaysaa inay ku dhawaaqi doonto saddex saxeex oo ciyaartoyda akaademiyadda ah oo ay ka mid yihiin labada difaac ee reer Spain ee Marc Jurado oo 16 ah iyo Alvaro Fernandez oo 17 jir ah iyo Isak Hansen-Aaroen oo ah 15 jir u dhashay Norway. (Manchester Evening News).

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII