Arsenal Iyo Barcelona Oo Isku Bedelanaya Labo Xiddig Oo Labada Kooxood Laga Nacay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Mikel Arteta ayaa go’aan rasmi ah ka qaaday Matteo Guendouzi iyadoo xiddigaha khadka dhexe ee Faransiiska uusan u ciyaarin Arsenal iyo guuldaeadii ka soo gaartay Brighton, waxaana haatan soo baxaya warar sheegaya in lagu soo bedelan doono xiddiga Barcelona Philippe Coutinho.

Xiddiga reer Brazil ayaa ah laacibka ugu qaalisan Barcelona sidaasi oo ay tahay waxa uu ku fashilmay Camp Nou isagoo aan waxba ku soo kordhinin tan iyo markii uu yimid.

Waxaa amaah loogu diray kooxda Bayern Munich isagoo sidoo kale qaata mushahar qaali ah.

Advertisements

Warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Mail maanta ayaa lagu sheegay in labada kooxood ay xal u raadinayaan dhibaatada ay ku qabaan labada xiddig.

Guendouzi ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee mustaqbalka lehe ee Yurub, laakiin Arteta ayaa ku nacay xiddigaan hab dhaqankiisa inkastoo uu jecel yahay qaab ciyaareedkiisa.
Real Madrid, Inter Milan iyo Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale qiimeynaya xaalada xiddiga Faransiiska.

Barcelona ayaa ku qasban inay xal u hesho Coutinho madaama uu mushahar qaali ah ka qaato iyagoo sidoo kale qaati ka taagan xiddigii ay xagaagii hore la soo wareegeen ee Antoine Griezmann.

Guendouzi ayaa kooxda ku soo kordhin kara caaboonaan iyo da’ yaraan gaar ahaan markii ay Barca ogolaatay inay fasaxdo Arthur Melo isagoo 23 sanno jir ah.

Dhanka kale Coutinho ayaa ku laabanaya horyaal uu magac ku sameysay laakiin inuu ku haboonaan doono koox aan diirada saarin kubada laadadka xorta iyo darbooyinka dhaadheer ayaa iyadana su’aal kale ah.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII