Argagaxisada Alshabaab yaaku abuuray soomaaliya ? Maxaa ujeedo laga leeyahay?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 3 minutes

Soomaaliya waxeey leedahay dhowr cadow oo shisheeye , kuwaaso ujeedooyinka kala gadisan ka leh dalkeena Soomaaliyeed. hadii aan ka tilmaamo cadowga shisheeye ee dalkeena  sida ay ukala qeybsan yihiin waa.

  1. Dowlado  waaweyn oo u arka Soomaaliya awood saameen ku leh Africa & Bariga Dhexe hadii ay helaan Dowlad Xoogan .
  2. Dowladaha Xuduuda laleh Soomaaliya oo dhamaantood aykala dhaxeyso muran dhuleed sida Yemmen oo Jasiirado Soomaaliya ay leedahay kataliso, Ethiopia & Kenya oo heesta dhul soomaaliyeed waxeey qatar u arkaan dowlad soomaaliyeed.
  3. Dowlado Carbeed oo halis u arka in lasoo saaro shidaalka & dakadaha soomaaliya in lamaalgaliyo sida ay adeeg ugu bixiyaan maraakiibta isticmaasha bada cas & india ocean.
  4. Dowlado halis u arka caqiidada & diinta islaamka oo aan heeysano , ayagoo ka walwal qabaa in ay Soomaalida diinta ku fidiyaan Africa hadii ay dowlad islaam oo xoogan ayka dhalato.
  5. Dowlado reer galbeed oo Soomaaliya ka ilaalinaya ineey xiriir la yeelato Russia & China.

Haddaba Dhamaan dowladahaas waxeey halis ku yihiin Nolosha & dowladnimada Soomaaliya.

Maanta waxaan isdul istaageena Alshabaab .

Alshabaab yaa abuuray ? maxaa loogu talagay ineey qabato ? Goorme lasoo afjarayaa ?

waa suaalo inta badan shacabka soomaaliyeed  isweydiiyan . Run ahaantii Alshabaab waxaa Soomaaliya ku abuuray Dowlada QATAR , oo caan ku ah aasaasida ururada argagaxisada & maalgalintooda.

Alshabaab waxaa loogu talagalay in ay fuliso weeraro arxan daran , malahan hami siyaasi , wexeey bulshada ku marin habaabinayaan diinta maadama inta badan shacabka ay yihiin kuwa aan wax badan ka aqoonin diinta Islaamka una dhaga nugul ineey adeecaan wax kasto ayka maqlaan ruux umuuqda inuu wadaad ama shiekh diinta yaqaano yahay.

Alshabaab hadii ay yihiin dad fikir  Soomaaliyeed kusocda ama  rabaan in ay dhisaan Dowlad Islaami ah , shacabka Soomaaliyeed ha  iswaydiiya maxaa ka hortaagan Alshabaab  oo u diidaya ineey u tartamaan Kuraasta Xildhibaanada ama Midka Madaxda ugu sareeyso qaranka.

Dadka inta badan waxeey iswaydiinayaan wa urur argagaxiso ma utartami karaan ?

Maanta Soomaaliya waxaa la ogyahay in Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ay dowlad shisheeye ku bixisay lacag xoogan sidii loodooran lahaa.

Alshabaab dadka lagama yaqaano oo waxeey fuliyaan weeraro qaraxyo & dilal qorsheesan hadii labar yaqaano ma ayagaa fulin lahaa howlahaas oo dhan.

Jawaabta oo fudud waa Maya , Alshabaab waa ay awoodan in ay utartamaan dhamaan kuraasta xildhibaanada & mida Madaxda Qaranka waliba waxeey muqdisho Sanad walbo ka qaadaan aduun lacageed oo gaarayo 700 Milyan oo doolar.

oo hadii ay ku guuleestan ku guuleestan  Madaxweyne  & kuraasta  Maamul Goboleedyada waxaa fudud in dalka ay u jiheeyan sidee doonaan sida hadaba uu Madaxweyne farmaajo ulaalay dastuurka laguna shaqeeyo kaliya awaamiirtiisa oo qofkuu doono habeen madoow weerara qofkuu doonana wuu dalacsiiya haba ahaado argagaxiso layaqaano sida Sakariye. Arrintaas oo ufudud shacabka soomaaliyeed oo ay maalin walbo si silac ugu dilaya jidadka uguna qarxinayaan si arxan daran .

Xaqiiqdii waxaa meeshaas ka cad ururka Alshabaab in aysan laheyn Hami Siyaasi kaliya ay fulinayaan qorshayaal ay wataan dowlado shisheeye .

Alshabaab & Siyaasiin badan uu kujiro Madaxweyne Farmaajo  waxaay ka faaidaysanayaan  aqoon yarida dadka , ayagoo isticmaalayo Qabiil & Diin ineey ku marin habaabiyaan dadka rayidka.

Tusaale Raisal Wasaarihii Hore Soomaaliya Ali Mohamed Geedi maanta waxaa loo adeegsanayaaa in uu kala qeybiyo Qabiilka uu ka dhashay  ee mudulood , aragtida uu kusocdo ma ahan mid asaga katimid ee waa mid uu kasoo qaaday Madaxweyne Farmaajo taas badalkeeda wuxuu fiirsanayaa Danihisa Siyaasadeed & Dhaqaale.

Haddaba Siyaasigaas qudbadaha uujeedinayo dad badan ayaa ku kadsoomaayo oo wuxuu kukala qeybinayaa cududa Reerkaas si markasto ay u fududaato inla fashiliyo qorsho walbo ay leeyihiin beeshaas .

Haddaba Alshabaab Hogaankeeda Taargadkoodu waa Dhaqaalo ma ahan diin ama siyaasad , sidee hadafkoodu ku gaaran waxeey fulinayaan dhamaan qorshayaasha Dowlada Qatar iyo saaxiibadeeda ka leeyihiin Soomaaliya.

Goorme lasoo afjarayaa Howlgalka Alshabaab?

Alshabaab kiiskeedu wuxuu so afjarmayaa Markii Dowlada Qatar hesho dhamaan hishiisyada ayku guraaneyso qeyraadka dalka sido kale aykula wareegeyso dhamaan dakadaha dalka sidee kula dagaasho Dowladaha UAE, Saudi Arabia , Masar & Baxreyn.

sido kale alshabaab waxaa lasoo afjarayaa markii dadka soomaaliyeed wadafahmaan halka ay kooxdaan usocoto. lana dhiso Dowlad ay hogaaminayaan Madax aan Jaajuusiin shisheeye aheyn .

Hadii si dhab loo dhiso Hey’ada Sirdoonka & Nabad Sugida Qaranka lana siiyo awood buuxdo aykula dagaasho Argagaxisada Alshabaab waxaa shaki ku jirin 6 bil in lagu ciribtiraayo.

dadka hadii ladhaho wala ciribtirayaa alshabaab waxeey leeyihiin macquul ma ahan , xaq ayeey u leeyihiin ineey saas dhahaan rag badan aya ku soo fashilmay. inta ay jirto.

  1. in lasoo xiro alshabaab .
  2. in fursad loosiyo in cadaalad la horgeeyo.
  3. in fursad loosiiyo in ladhaqan celiyo loona yaboohayo cafis .

Maahmaah Soomaali ayaa jirto oo dhaheyso , Qaniinsho waxaa ka fujisa Qaniinsho kale . ama qof aysan shanta ka reebin sharci kama reebo. 

inta ladhowraayo Haybad dowladeeda ama laga baqaayo Ururo caalami Hooyada Soomaaliyeed dhiigeeda jidka ayuu ku qubanayaa . cadowga shisheeyana dantiisa ayuu gaaraya.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu weerara oo  uu dilayaa siyaasiin ka aragti duwan sida weerarkii abdirahmaan abdishakuur warsame laakiin   Alshabaab markii lagu xukumo dil toogasho malagu karo saxiix wala tooganayaa haddaba Soomaaliyeey intaas wax ku fahma.

W/Q I.D.O

 

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Argagaxisada Alshabaab yaaku abuuray soomaaliya ? Maxaa ujeedo laga leeyahay? appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII