Antonio Conte oo iska diiday Qabashada Shaqabada Barcelona, Arsenal

Tababaraha Talyaaniga ah ee Antonio Conte ayaa lagu soo warramayaa inuusan wax xiiso ah u qabin shaqada tababarenimo ee kooxaha Arsenal iyo Barcelona walow labadaba lala xidhiidhinayo.

52 sano jirkaas ayaa haatan shaqo la’aan ah kaddib markii uu ka tagay Inter Milan xagaagan isaga oo xilli ciyaareedkii hore ku hoggaamiyay horyaalka Serie A markoodii ugu horreysay mudo 11 sano kaddib ah.

Markii ay Inter Milan ku heshiiyeen inay kala huleelaan dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore ayaa heshiiska qayb laga dhigay in Conte uusan xilli ciyaareedkan koox Talyaani ah tababare u noqon karin taas ayaana dabka kusii shiday fursada uu kooxaha ajaanibka ka ah dalkiisa ku maamuli doono.

Laakiin saxafiga Sky Sports Italia ee Fabrizio Romano ayaa daaha ka qaaday in Conte uusan doonayn inuu ku biiro koox xilli ciyaareedkan dhexdiisa taas bedelkeedana uu xiisaynayo inuu mashruuc wanaagsan xilli ciyaareedka dambe la bilawdo.

Barcelona ayaa tababaraheeda Ronald Koeman culayskii ugu weynaa saaran yahay kaddib qaabka aadka u liita ee ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedka halka Mikel Arteta qudhiisu kulamadii hore uu waxba uga keeni waayay Arsenal.

Laakiin sida ay sheegayaan xogihii ugu dambeeyay, labadaas kooxood midkoodna ma xiiso gelinayo Conte oo Premier League kula soo guuleystay Chelsea sanadkii 2017.

Tababaraha Talyaaniga ah ayaa sidoo kale lala xidhiidhiyay Manchester United waana kooxda lagu sheegay mida uu xiisaha u muujiyay ee uu ku biiri doono haddiiba ay dalab ka geeyaan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com