Anthony Martial oo badalay go’ankiisa Manchester United ee ku aadan Mustaqbalkiisa

Manchester United weeraryahankeeda Anthony Martial ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ka tago Old Trafford.

Xiddiga reer France ayaa la rumeysan yahay inuu ka walaacsan yahay waqtiga ciyaarta uu heli doono kadib imaatinka Cristiano Ronaldo.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka MadridistaReal , wakiilka Martial Jorge Mendes ayaa wadahadalo kula jira Paris Saint-Germain , si uu isugu dayo in uu macmiilkiisa ugu soo wareego caasimadda Faransiiska.

Kooxda ka dhisan Ligue 1 ayaa u aragta 25 jirkaan inuu yahay saxiix macquul ah haddii ay ogolaadaan in Kylian Mbappe uu ku biiro Real Madrid.

Martial ayaa Man United kaga soo biiray Monaco heshiis dhan £ 60m sanadkii 2015, inkasta oo weeraryahanku uu inta badan ku dhibtooday joogtaynta intii uu joogay Old Trafford.

Xiddiga reer France – oo haatan United ay ku qiimeyso 50 milyan ginni – ayaa u saftay 261 kulan tartamada oo dhan Red Devils, isagoo dhaliyay 78 gool isla markaana caawiyey 58 kale

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here