Andy Robertson Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guuleysaneysa Champions League Xilli Ciyaareedkan Ee Liverpool Kala Wareegi Doonta Koobka

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan ku guuldareysatay inay difaacato koobka Champions League ka dib markii ay ku hareen wareega 16ka Champions League, iyadoo daafaca bidix Andy Robertson uu saadaaliyay kooxda Liverpool kala wareegi doonta koobka.

Champions League ayaa dib u bilaabanaya bisha soo socota iyadoo la dhameystiri doono kulamada ka haray wareega 16ka ka hor inta aan wareega 8da lagu qabanin magaalada Lisbon ee dalka Portugal oo martigelin doonta ilaa iyo kulamada finalka.

Andy Robertson ayaa sheegay in kooxaha tartanka ku haray ay mid walba fursad u heysato ku guuleysiga koobka madaama lagu ciyaarayo garoomo dhexdhexaad ah oo albaabada ay u xiran yihiin.

Advertisements

Laakiin waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay koox weli ay u harsan tahay lugta labaad ee wareega 16ka.

Wuxuu u sheegay barnaamijka The Lockdown Tactics: “Madaama garoomo faaruq ah oo dhexdhexaad ah lagu ciyaarayo, waxaan qabaa in tartanka uu furan yahay.

“Ka hor inta aan karantiilka la gelin Bayern Munich ayaa u muuqata kuwa aad u fiican sida ay u la ciyaareen Chelsea. Real Madrid mar walba waa ay muuqataa laakiin waa inay natiijada Man City dhanka kale u rogaan taasoo aan aheyn mid sahlan. Waxaan qabaa in Man City ay soo bixi karto si la mid ah Juventus.

“Garoomo xiran oo dhexdhexaad ah waxaan qabaa in mid walba oo ka mid ah uu ku guuleysan karo. Waxaan la ciyaarnay Atletico, waxayna kubada u difaacdaan sida noloshooda.

“Haddii ay hogaan ka helaan waa ay ceshanayaan. Laakiin haddii aan sharad ku galayo waxaan dhihi lahaa Bayern Munich ayaa ku guuleysaneysa koobka”

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII