Andreas Christensen oo ka hadlay mustaqbalka Chelsea & wadahadalada qandaraaskiisa

Daafaca Chelsea Andreas Christensen ayaa ku rajo weyn inuu dhawaan heshiis cusub u saxiixo Stamford Bridge, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Christensen ayaa muhiim ahaa tan iyo markii uu si joogto ah ugu soo biirayay kooxda koowaad ee Chelsea sanadkii 2017 kadib laba sano oo amaah ah oo uu ku joogay Borussia Monchengladbach, laakiin wuxuu si joogto ah ugu bilaawday Thomas Tuchel qeybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Denmark ayaa kaliya ku soo bilowday shan kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore intii uu tababaraha u ahaa Frank Lampard.

Hadda, Christensen ayaa sheegay inay ‘u muuqato xaalada mid wanaagsan’ illaa iyo inta laga hadlayo qandaraaska cusub ee Chelsea.

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here