Ancelotti oo Xalay Keydka dhigay Hazard kana hadlay Sababta uu u badalay

Real Madrid ayaa bilowday ololaheeda Champions League ka dib markii ay 1-0 kaga badisay Inter Milan habeenkii Arbacada.

Intaa ka dib, Ancelotti wuxuu ku farxay waxqabadka ciyaartoydiisa iyo qaabkii guusha ee uu dhaliyay gool soo daahay oo uu dhaliyay Rodrygo.

Tababaraha Talyaaniga ayaa sidoo kale sharraxay beddelkiisa Hazard taas oo xaqiijisay fashilka xidigan.

Waxa uu warbaahinta u sheegay in Inter Milan isku dayaysay weerar xoogan taasna looga baahnaa xidigo dhalinyaro ah oo dib u celiyio.

isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri dhaliyaro wali weerar ku qaada dhanka Goosha Inter Milan waana sabab aan ugu sameeyay badalka.

Hazard ayaa durba sanadkan ku bilaabatay in la badalo iyo in uusan ka farxin Macalinka Kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com