“Alxamdulillah.. Ilaahay Ayaa Mahadleh” – Benzema Oo Soo Bandhigay Daawooyinka Nabi Muxamed (SCW) Jideeyey Oo Uu Isticmaalay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Xiddiga Real Madrid ee Karim Benzema ayaa soo bandhigay sirta caafimaadkiisa iyo taam ahaanshaha jidheed ee xili ciyaareedkan uu bandhigga wanaagsan kaga muujinayay garoomada.

Weeraryahanka reer France ayaa adeegsaday farsamada guunka ah ee la isticmaali jiray illaa Waqtigii Anbiyada ee toobista, taas oo ay ku jirto faa’iidooyin caafimaad oo waaweyn.

Benzema ayaa bartiisa Bulshada waxa uu soo dhigay dhawr sawir oo laga qaaday waqti lagu samaynayay daawo dhaqameedka Toobista oo Nabi Muxumed (SCW) uu jideeyey, waxaanu soo raaicyey farriin uu Ilaahay ugu mahad celinayo.

“Alxamdulillah. Ilaahay ayaa mahad leh” Ayuu Benzema kusoo dul qoray sawirrada uu ku daabacay bartiisa bulshada.

Sannadkii 2019 ayuu Karim Benzema markii ugu horreysay isticmaalay toobista, waxaana xilli uu ku jiray fasaxa xagaaga ku sameeyey Jeffrey Smadja.

Benzema ayaa dhaliyey 17 gool oo horyaalka LaLiga ah, waxaanu shan gool ka dambeeyaa Lionel Messi oo hoggaaminaya abaal-marinta Pichichi ee kabta dahabka ah, hase yeeshee Karim ayaa xili ciyaareedkan ku qaatay taam ahaansho buuxda, iyadoo kulamo tiro yar uu dhaawac ku seegay.

Toobista oo dadka Muslimiintu ay dhaqan u lahaan jireen, ayaa hadda aad looga isticmaalaa waddanka China, taas oo keentay in dadka qaarkood ugu yeedhaan ‘Daawo dhaqameedka China’.

Laacibkan ayaa xili ciyaareedkan muujiyey bandhig wanaagsan oo uu kooxdiisa kaga caawiyey inay hoggaanka horyaalka afar dhibcood ku hayso waqti ay ciyaaro kooban ka hadhsan yihiin dhamaadka xili ciyaareedka.

Los Blancos oo Jimcaha la ciyaari doonta Alaves, waxay u baahan tahay saddex guulood si ay horyaalka xili ciyaareedka ugu u hanato, waxaana dhamaan kulamada u hadhay yihiin afar, laakiin haddii Barcelona ay laga badiyo ama ay barbarrayso, waxay horyaalka hanan doontaa xilli ka horreysa waqtigan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII