Alshabaab oo War kasoo saartay Qarixii lagu dhaawacay Jeneral Dhoore & xilka uu ka hayo Booliska Somalia

Alshabaab ayaa sheegtay weerarkii lagu khaarijin lahaa jeneral ka tirsan ciidamada Booliska oo shalay ka badbaaday qarax loogu xiray Gaarigiisa, balse uu dhaawac culus kasoo gaaray.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay Qaraxa ay la beegsadeen sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska dowladda Federaalka oo lagu magacaabo Jeneraal Maxamed Cabdullaahi Dhoorre, waxayna Alshabab sheegtay inuu ahaa masuulka Booliska dowladda Federaalka u qaabilsan arrimaha dibadda, isagoo ahaa xiriiriyaha Booliska dowladda Somalia iyo Hayadda Booliska Adduunka ee INTERPOL &nbsp

Alshabaab ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay qarax gaarigiisa loogu xiray Jeneraalka uu ka dhacay degmada Xamar-Jajab, iyadoo dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay Jeneraal Maxmed Dhoorre oo kamid ahaa saraakiisha Booliska.

Hay&adaha amniga iyo ciidamada Booliska Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin dhaawaca Jeneraalka iyo cidda ka danbeysay, wuxuuna qaraxu ahaa mid xoog leh oo sababay dab qabsaday kaalin shidaal oo uu xilligaasi uu taagnaa Gaariga uu watay sarkaalka la beegsaday.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here