Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Shabeellaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay ku waramayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka maamulka Hirshabeelle ay ku leeyihiin duleedka Jowhar.

Weerarka kadib ayaa waxaa halkaas ka bilowday dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowlada iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday,waxaana dagaalka uu socday muddo kooban wallow markii dambe uu istaagay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay saakay Waaberigii hore ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.

Khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkii ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shababa ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarkaas,iyadoo sheegay inay ku dileen 6 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegay in muddo kooban ay la wareegeen gacanta ku heynta Saldhiga ay lahaayeen Ciidanka Hirshabeelle,isla markaana ay ka qaateen saanado melleteri iyo agabyo kale,hayeeshee ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here