Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kenya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dilka oo ay fuliyeen rag hubeysan uu ka dhacay deegaanka Caliyaale ee hoostaga Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen sarkaalkaasi oo isla goobta ku geeriyooday.

Magaca sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu sheegay Cabdi Nuur Cumar, kaas oo dhowaan madax looga dhigay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ka howl-gala halkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana ay shaacisay in dagaayahano ka tirsan kuweeda ay fuliyeen toogashadaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Booliiska dowladda Kenya oo ku aadan dilkaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ka fuliya deegaano ku yaalla xadka ay wadaagaan dalal Soomaaliya & Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here