Al shabaab oo ciidan dhar cad ah ku weeraray magaalada Muqdisho

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii koox Baskoolado ku hubeysnaa ay weerar ku qaadeen Ciidamo dharcad ah oo ka tirsanaa nabad sugidda Soomaaliya.

Weerarka ayaa xalay fiidkii ka dhacay Waaxda  Calasow dheere ee degmada  Shibbis ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal xilliga weerarka dhacayay ku sugnaa halkaas waxaa goobta ku geeriyooday mid ka mid ah dadkii weerarka lagu qaaday.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Haweeney ka mid ahay kooxda la weeraray, waxaana ay ka tirsanaayeen Nabad Sugidda Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo iyaguna sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa waxaa ay sheegeen in ay halkaas ku dileen labo ka mid ah Ciidamada Nabad Sugidda Baskoolado ay wateenna ka qaateen.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here