(Akhriso) RW Kheyre oo magacaabay Maareeyaha Aqoonsiga Qaranka

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
214 days
21 hours
41 minutes
50 seconds

RW. Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow u magacaabay Agaasimaha diiwaan gelinta doorashooyinka Mukhtar Qooranse sida ay warkii.com hore idiinku soo gudbisay bishii May ee sanadkan 

Mukhtar Xuseen Maxamed (Qooraansay) ayaa loo qaatay inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka, si uu usoo dhiso hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority), isagoo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka & Guddiyadii dhisnaa.

Magacaabiddan ayaa imaneysa xilli uu sii kordhay isku dhaca ka dhexeeya labada xafiis ee MW Farmaajo iyo RW Xasan Cali Kheyre, waxaana mashruucan laga waday xafiiska Madaxweynaha iyadoo uu MW Farmaajo u magacaabay hoggaaminta mashruucan Nuur Diiriye Fuursada oo hadda ku magacaaban Agaasimaha xafiiska Madaxweynaha.

Mukhtaar Qooraanse ayaa dhammaadkii sanadkii hore mar uu ku magacownaa madaxa maaliyadda NISA, waxaa la sheegay in uu la baxsday lacag. Mukhtaar ayaa dalka ka baxay isagoo ku sugnaa dalka Norway sida warkii.com ay ogaatay.

 

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post (Akhriso) RW Kheyre oo magacaabay Maareeyaha Aqoonsiga Qaranka appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII