Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay xubnaha maamulaya doorashada kuraasta xildhibaanada baarlamaanka ee beelaha Banaadiriga.

Xubnaha uu caawa magacaabay Rooble ayaa ka kooban 11-qof, waxaana loo xil saaray inay qabtaan doorashada xildhibaanada beelaha Banaadiriga ka imaanaya, taas oo ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

Laba qodob ayaa lagu tilmaamay waajibaadka guddigaan iyo shaqadiisa, kuwaas oo kala ah.

1 –Doorashada xildhibaanada Banaadiriga waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, waxaana maamulaya guddiga ku xusan warqadan.

2 –Guddiga ku xusan warqadan waxa uu maamulayaa kaliya doorashada xildhibaanada banaadiriga qeybta lagu dooranayo magaalada Muqdisho.

Horay waxaa ra’iisul wasaare Rooble loogu dhaliilay inuu soo magacaabay xubnaha guddiyadaas uga mid noqonaya Somaliland, isagoo aan cidna kala tashan, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey guddiyada haatan magacaaban inay u badanyihiin ciidanka NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Hoos ka akhriso warqadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here