Akhriso: Hoggaanka Madasha oo kulan gaar ah la yeeshay Odayaasha Beelaha Muqdisho

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoggaanka dhaqanka beellaha Muqdisho ayaa kulan ku yeeshay xarunta Madasha ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa Kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Madasha qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gaar ahaan Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Kulankan ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale looga hadlay Shir dhawaan Muqdisho uga furmi doona Mid ka mid ah beellaha degan Muqdisho.

Shirka ayaa ku soo gababgaboobay jawi farxad leh iyo in laga wada shaqeeyo nabadda iyo danaha guud ee dadka.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII