(Akhriso) Aqalka Sare oo taageeray go’aamadii shirka Madaxda Maamul Goboleedyada

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
208 days
11 hours
30 minutes
19 seconds

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee JFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor dhow soo saaray war saxaafadeed uu ku taageerayo shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada uga socday magaalada Dhuusamareeb labadii maalin ee ugu danbeeysay.

Shirkaas oo laga soo saaray war murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxdii ka qeyb gashay shirkaas ayaa lagu sheegay in aanan marnaba la ogolaan doonin muddo kororsi iyo in doorashada ay ku dhacdo wakhtigii loogu talo galay.

Mudane Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay go’aamada wax ku oolka ah ee ka soo baxay shirka waxaana uu sheegay “Anigoo ku hadlaayo magaca golaha aqalka sare ee BJFS waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, waxaanan si diiran u soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee ka soo baxay shirkii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb 11-12 July 2020, goaankaas oon u arko inuu guul hordhac ahu yahay hewshiis wadajir ah ooy wada gaaraana DF & Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Dalkana u horseedi kara nabad, degenaasho iyo horumar” Ayuu ku sheegay war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS.

Halka Hoose ka akhriso War Saxaafeedka oo dhameystiran

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post (Akhriso) Aqalka Sare oo taageeray go’aamadii shirka Madaxda Maamul Goboleedyada appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII