Agaasime ku xigeenka sirdoonka Qadar oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

Warar ay heshay Shabakada wararka ee Warkii Online ayaa sheegaya in Agaasime ku xigeenka hay’adda sirdoonka Qadar, Jeneraal Cabdalla Maxamed Mubaarak Saalax [Al-Khalifi] uu socdaal qarsoodi ah ku yimid Muqdisho.

Mr Al-Khalifi oo caasimadda yimid Isniintii [8-da September] ayaa waxa uu saacado ku qaatay xerada Jeneraal Gordan, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil sar-sarre oo ka tirsan waaxda mukhaabaraadka Soomaaliya.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in ujeedka socdaalka uu yahay sidii xukuumadda Dooxa ay saameyn ugu yeelan lahayd arrimaha sirdoonka ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska qaaradda madow ee Afrika.

Taliyaha hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa waxa uu wehlinayey Al-Khalifi intii uu kormeerka ku bixinayey meelo kala duwan oo magaala madaxda dalka ka tirsan.

Ugu dambeyntii, waxaa la sheegayaa in uu la kulmay madaxweyne Farmaajo oo ay kawada xaajoodeen arrimo quseeya taageerada dowldiisu ka hesho Qadar si lamid ah olalaha doorashadda ee 2020-ka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here