Adama Traore oo ku sii dhawaanaya in uu ku biiro kooxda Tottenham

Xiddiga Wolves ayaa qarka u saaran inuu u dhaqaaqo waqooyiga London sida wararka ugu danbeeyay ay sheegayaan.

Xiddiga garabka uga ciyaara Wolves Adama Traore waxaa ka go’an inuu dhameystiro u wareegista Tottenham ka hor inta uusan xirmin suuqa xagaaga – sida laga soo xigtay Cadena SER .

25 jirkaan ayaa ku amray wakiilkiisa Jorge Mendes inuu ku dhaqaaqo tallaabadan si uu ula midoobo tababarihii hore ee Wanderers Nuno Espirito Santo ee waqooyiga London.

Wolves kuma iibin doonto Traore qiimo jaban, in kasta oo xaqiiqda ah inuu weli haysto laba sano oo ka harsan qandaraaskiisa hadda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here